Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Kenya oo khudbadii uu ka hor jeediyay Hogaamiyaasha Afrika diirada ku saaray Al-shabaab.

Recommended Posts

Deeq A.   

Uhuru Kenyatta Madaxweynaha dowlada Kenya oo ka hadlayay shirka madaxda midowga Afrika ee maanta ugu furmay Magaalada Addis Ababa ee xarunta Dalka Itoobiya ayaa ka dalbaday in hogaamiyaasha Afrika ee shirkaan ka qeyb galaya in ay bixiyaan malaayiin lacag ah iyo maareenta lacagtaas iyo ciidan, kuwaas oo lagu xoojinaya dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee ka dagaalama wadamo dhaca ee Geeska Afrika.

Waxaa uu sidoo kale ka codsaday Madaxda Afrika in ay xoojiyaan taageeradda ay siiyaan ciidamada AMISOM ee ka howlgalla Soomaaliya .

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sidoo kala sheegay in dowladiisa ay dagaal kula jirto dagaalamayaasha AL-shabaab, wuxuuna hogaamiaasha Afrika ka dalbaday in ay dar dar giliyaan dagaalkaas lagula jiro Al-shabaab.

Waxaa uu uga mahadceliyay dowladaha Uganda, Itoobiya, Jabuuti iyo Burundi sidda ay uga qeyb qaateen amniga iyo xasilinta Soomaaliya iyada oo loo marayo Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya AMISOM oo nabad ilaalin u joogta gudaha Soomaliya.

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa wixii ka danbeyay Sanadkii 2011-kii waxay weeraro kala duwan ka fuliyeen Gudaha dalka Kenya, Xiligaas oo ciidamada dowladda Kenya ay soo galeen Gudaha Dalka Soomaaliya.

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this