Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka difaaca Puntland oo howlgal ka sameeyay jiida hore ee Tukarq

Recommended Posts

Deeq A.   

Guuto uu hogaaminayo Faysal Falaalug kana tirsan Ciidamada difaaca Puntland ayaa saaka Aroortii Weerar ku qaaday Fariisimo ay maleyshiyada maamulka Somaliland ku lahaayeen meel u dhaxysa God-qaboobe iyo Boocame oo ka tirsan Gobolka Sool.

Dadka degaanka waxa ay sheegeen inay maqlayaan Hub culculus oo ay labad dhinac is-waydaarsanayaan.

Lamana oga Khasaaraha Rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi walow weli ay dhacayayaan Hub ay labada dhinac iswaydaarsanayaan.

Inkastoo aysan dowladda Puntland weli toos ah u bilaabin howgalka xoraynta, ayaa hadana  howgalkaan wuxuu ahaa mid jawaab u ah maleyshiyo maamulka Hargeysa oo shalay  gudaha u galay degmada Boocame inlastoo saacad kadib ay si baxsad ah ugasoo carareen.

la soco wixii soo kordha.

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this