Sign in to follow this  
Deeq A.

Gen.Subagle oo sheegay in Al-shabaab inta badan dalka laga saaray

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyaha Ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ee Soomaaliya Gen.Cismaan Nuur Subagle ayaa sheegay in Al shabaab laga saaro inta badan Dalka.

Gen.Subagle oo la hadlay Warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in AMISOM iyo Ciidamada Xoogga dalka oo iskaashanaya ay u suurta geshay in Al-shabaab ka saraan degaanno aad u badan,balse loo baahan yahay in la dhameystiro.

Subagle yaa soo hadal qaaday qorshayaasha Ciidamada AMISOM ay kaga baxayaan Soomaaliya, isagoo qeexay in ay ka go’an tahay ka bixitaanka Soomaaliya marka amniga guud ee Dalka ay ku wareejiyaan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, taasi oo ay hadda socoto qorshahooda.

PUNTLAND POST

The post Gen.Subagle oo sheegay in Al-shabaab inta badan dalka laga saaray appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this