Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar kooban oo saaka Aaga TUKO-RAQ ku dhexmarey Puntland iyo Somaliland.

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka laga helayo Deegaanka Tukoraq ayaa sheegaya weerar ku dhufo oo ka dhaqaaq ah oo subaxnimaddii horre ee maanta halkaas ku dhexmarey labo ciidan oo ka kala tirsan Puntland iyo Somaliland ka dib markii la sheegay weerar gaadmo  oo ay waaberigii horre ku qaadeen fariisimo ay degan yihiin ciidanka Somaliland cutubyo ka tirsan ciidanka  Puntland oo sida la sheegay ka careysan daahniinka mudada ka qaatey Puntland diyaargarowga ay ugu jirto dagaal ka dhan ah Somaliland.

Faahfaahin rasmiya lagama hayo jiritaanka khasaare ka dhashay iyo in kale weerarkii saaka oo socday muddo kooban, wallow ay u sheegeen Warbaahinta PUNTLND POST qaar ka mid ah saraakiisha ciidanka Puntland ee jooga jiida Tukoraq inaanu jirin khasaare soo gaarey dhinacooda.

Dhinaca kale warar madax banaan oo ay helayso PUNTLAND POST  ayaa sheegaya jiritaanka khilaaf kala aragti duwanaansho oo u dhaxeeya xubno ka tirsan guddiga difaaca sida Madaxweyne kuxigeenka Puntland iyo Taliyaha ciidanka oo ku kala aragti duwan daahniinka uu qaatey hawlgalka Puntland ku qorsheynayso inay kula dirirto maamulka Somaliland.

Isku soo wada duuboo weerarkii saaka ka dhacay Tukoraq ayaa wararku sheegayaan inay soo abaabuleen ciidamo ku fikir ah Madaxweyne kuxigeenka Puntland Eng Cabdixakiin Cabdulaahi Cumar (Camay) oo warar madax banaan sheegayaan inuu ka careysan yahay muddada ay sii caga cageynayso jawaabta Puntland ka bixin lahayd duulaankii 3 saddex todobaad ka hor Maamulka Somaliland uu ku qabsadey magaalada Tukoraq.

Aaga Tukoraq

PUNTLAND POST

The post Weerar kooban oo saaka Aaga TUKO-RAQ ku dhexmarey Puntland iyo Somaliland. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this