Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey Xaalada Deegaanka Tukaraq iyo dhaqdhaqaaqa Ciidamada

Recommended Posts

Deeq A.   

Calanka-Puntland.jpgMudo laga joogo Sadix totobaad ayaa Maleeshiyaad ay gadaal kasoo riixiyaan Maamumulka Soomaaliland waxay si Faadumo ah ku qabsadeen Tuulada Tukaraq oo dhanka Laascaanood ka xogta Caasimada Puntland ee Garowe, Xiligaasoo Ciidamada Puntland iyo Xukuumadabu ay ku mashquulsanaayeenb Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya oo Marti u ahaa Puntland xiligaasna ku sugnaa Garowe.

Mudadaas kadib waxaa labada dhinacba ka socday dhaqdhaqaaq Ciidan iyo hadalo kulkulul oo labada dhinac ay hawada isu marinayeen.

Howlwadeenada Puntlandi oo si dhow ula socday Xaalada ayaa xaqiijinaya in aan illaa hada wax Dagaal ah uusan ka dhicin Deegaanka.

Guud ahaan Xaalada Tukaraq aadbay u degan tahay mana jiro isbadal laga dareemayo dergaanka aan ka ahayn dhaqdhaqaaqa Ciidamada oo aad looga dareemayo deegaanka.

Shacabka Deegaanku waxay ka cabsi qabaan oo Wadnaha farta ugu hayaan in Dagaal iyo colaad ay dhexdooda ka qaraxdo, iyadoo Maleeshiyaadka hada heysta Tukaraq ay 99% yihiin Dadka ku abtirsada Deegaanka Sool iyo Ceyn, taasina ay hada sabab u tahay in Dhinaca Puntland aysan durba ka jawaabiN Weerarka lagusoo qaadey oo Hargeysa ay gadaal kasoo riixayso.

Garowe Maxaa ka socda

Tan iyo xiligii lasoo galay Tukaraq Ilaa hada hadal heynta ugu weyn ee Garowe waa colaada kasoo cusboonaatay Tukaraq, Xukuumadu waxay heegan buuxa ay galisay Ciidanka, Waxaa socda Ilaa xiligaas socday Kulamo u badan Wada tashi ay Xukuumada Puntland la qaadaneysay Siyaasiyiin, Saraakiisha Ciidanka iyo Waxgarad u badan Kuwa kasoo jeeda Gobolada Sool/Ceyn.

Dowlada Puntland waxay ku dadaashay iney xakameeyaan Wararka ku saabsan qaabka ay u maareynayaan Xaalada Amni , Waxay kaloo Xukuumada ay xakameysay in aysan saxaafada la hadal Dadka aysan hada taladu ka go’in amaba si kale Hadii loo dhigo Dadka aan awooda u lahayn iney go’aan ka gaaraan Dhaqdhaqaaqa Ciidanka, Wasaarada Warfaafinta Puntland ayaa awood buuxda loo siiyey iney maareeyaan Wararka iyo macluumaadka Xaalada hada taagan iyo la xisaabtanka Saxaafada rasmiga ah.

Madaxweyne Gaas wuxuu kulamo wada tashi oo Mudo hada socda uu la qaadanayaa Saraakiisha Ciidamada iyo Waxgaradka, Ilaa hadana Ma jiraan wax amar Dagaal ah oo Madaxweynuhu uu bixiyey, waa Sida Puntlandi warka ku hayee.

Hargeysa Maxaa iyana ka jira

Wararbadan oo rasmi ah lagama hayo laakiin Wararka ay Howlwadeenada Puntlandi helayaan waxay sheegayaan in Masuuliyiinta Soomaaliland ay ku mideysan yihiin in lasii wado taageerada dhaqaale iyo hub ee ay siinayaan Maleeshiyaadkooda ku sugan Gobolka Sool, Shalay oo Jimce ahayd Waxaa Laascaanood soo gaaray Saraakiil Hargeysa ka yimid kuwasoo kulamo la qaatay hogaamiyaasha Maleeshiyaadka ku sugannGobolka.

Wariye Madaxbanaan oo ku sugan Laascaanood ayaa Puntlandi u sheegay in kulamo dhowra ay tan iyo Shalay ka socdeen Laascaanood, Masuuliyiinta Hargeysa ka yimidna ay ka baaqdeen Safar ay ku aadi lahaayeen Dhinaca Tukaraq Xaalado amaan awgeed.

Hada waa sidee Xaalada

Xaalada Deegaanku maalmihii lasoo dhaafay Ilaa iminka aad ayay u degan tahay, Ciidanka Puntland waxay ku sugan yihiin meeshay laba isbuuc ka hor ay salka dhigeen, Wax Dagaal ah ama saabsan Dagaalna Ma aysan dhicin.

Labada dhinacna qolo walba meesheeshay horey u joogeen ayay joogaan.

Howlwadeenada Puntlandi waxaycdhowr jeer isku dayeen iney la hadlaan Masuuliyiinta Puntland, laakiin Saraakiisha Ciidanka iyo Masuuliyiinta kaleba Way ka gaabsadeen iney ka jawaabaan su’aalaha.

Wararka rasmiga ah ee Deegaanka kala soco Puntlandi.com

Puntlandi
Garowe

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this