Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso Waxqabadka uu agaasimihii hore ee waxbarashada Puntland kusoo bandhigay xil-wareejintiisii.

Recommended Posts

Deeq A.   
26993930_560339997632651_795960010344236
Agaasimihii hore ee wasaaradda waxbarashada Puntland, Maxamed Cabdiqaadir Cismaan ayaa maanta xilkiisiisii ku wareejiyay agaasimaha cusub ee lasoo magacaabay, Maxamed Cali Faarax, halka isagana uu la wareegay agaasimaha guud ee wasaaradda cadaaalda Puntland.
Halkaan hoose ka akhriso warbixintii uu kaga hadlayay waxqabadka wasaaradda waxbarashada mudadii uu xilka hayay.
⦁   Arimaha Shaqaalaha 
⦁ Shaqaalaha wasaaraddu tiradooda waa 244
⦁ Waxaa xarunta dhexe ka shaqeeya waa 136
⦁ Gobolada waxaa ka shaqeeya 108 shaqaale.
⦁ Marka laga reebo dhowr qof ,dhamaan shaqaalaha xarunta dhexe oo tiradoodu dhantahay 136 shaqaale waxay qaataan guno howled bile ah taas oo aysan marna waayin intii aan Xafiiska joogay.
⦁ Agaasimayaasha iyo qaar ka mid ah shaqaalaha waxaa loo kordiyey gunooyinkooda si loo dardar galiyo Shaqada wanaagsan ay hayaan bulshada
⦁ Shaqaalaha gobolada ayaa qaar ka mid ah ay helaan gunooyin joogta ah ayagoo lagu lamaaniyey mashaariic socota balse waxaa jira qaar aan wax xuquuq ah qaadan, waxaana dadaal xoogle ugu jirnay sidii loogu samayn lahaa xuquuq u qalanta Shaqada culus ee u hayaan shacabka.
⦁ Qayb ka mid ah shaqaalaha wasaaradda waxaa la siiyey tababarro ay ku qaateen dalka gudihiisa iyo kuwo kale oo loo diray tababarro dalka dibaddiisa ah  sida (Ethiopia ,Uganda, Kenya, Malawi, Rwanda) waxaana ka mid ah
⦁ Waaxda macalimiinta, farsamada Gacanta iyo Mashariicda, Waaxda Waxbarashada dadban,
⦁ Waaxda tayo dhowrka ,
⦁ Waaxda imtixaanaadka,
⦁ Waaxda tacliinta sare iyo
⦁ Waaxda Siyaasadaha iyo qorshaynta.
⦁ 7 ka mid ah shaqaalaha wasaaradda waxaa loo diray Waxbarasho dibadda ah oo isugu jirta bachular degree iyo master degree.kuwa kalana waxaa Waxbarasho bilaash ah laga siiyey dalka gudihiisa.
⦁ Shaqaale kastaaye wuxuu leeyahay gal ugaar ah {File Shaqaale)
⦁ Waxaa laga saxiixay shaqo qeexis  ama (TOR)
⦁ Shaqale kasta waxaa laga saxiixay  Anshaxa shaqaalaha oo ugaar ah wasaaradda Waxbarashada (Code of Codex)
⦁ Waxaanu sameenay suul saar (finger print) kaas oo cadeenaya shaqaale kasta inta saac uu shaqeeyey bil kasta si loogu abaal mariyo shaqo wanaaga shaqaalaha joogtada ah.
⦁ Waxaa  howl gab laga dhigay agaasiyamaal, madax qaybeedyo iyo gudoomiyaal dagmo oo ka tirsan wasaaradda oo gaaray da’dii howlgab nimada lana siiyey  xaquuqdii howlgabnimo ay codsadeen.
⦁ Sida ku cad heshiiska dhaxmaray PureTech iyo Wasaaradda waxaa Gacanta lagu hayaa in shaqaale kasta loo sameeyo e-mail u gaar ah wasaaradda oo leh astaan isku wada mid ah si loo xifdiyo xogta wasaaradda.
    Maamulka iyo Maaliyada 
⦁ Sida ku cad heshiiska dhex maray wasaarada iyo PureTech, waxaa meel gabo gabo ah maraya nidaamka loo yaqaan fududaynta iyo maaraynta xogta dhaqdhaqaaqa maaliyadeed ee wasaaradda ama (Financial Management System) kaas oo gaar u noqon doona wasaaradda, waxaana la keenay agabkii lagu shaqayn lahaa  waxaana maalmaha soo soda si rasmi ah loo hirgalin.doona nidaamkaas.
⦁ Isla hishiiskaas, waxaa loo samayn doonaa dhamaan hantida maguurtada ah (Label Number Printing for Assets ) sumadayn leh tixraac number si loo aqoonsado in agabkaas uu ka mid yahay hantida wasaaradda ulana socdaan xafiisyada ay khusayso la socodkooda.
⦁ Nidaamka maaliyadeed ee wasaaraddu waa mid la isku halayn karo oo hufan, waxayna wasaaraddu raacdaa habraac Maaliyadeed oo u gaar ah wasaaradda Waxbarashada ayadoo leh dhamaan documents cadaynaya ujeeddada lacagta soo galaysa ama lacagta baxaysa.
⦁ Waxaa akoonada kala duwan ee wasaaradda ku jira xiligaan lacag dhan 469,796.07 USD lacagtaas oo u taagan shaqooyin kala duwan. waana lacagta aan manta ku wareejinayo agaasimaha guud ee cusub sida ku cad bank warqada cadaynta Bangiyada ama (Bank Statements).
⦁ Gaadiidka cusub ee yeelatay wasaaraddu waa 6 gaari  oo kala ah  afar xaajiyadood oo TOYOTO ah, Hal baraado nooca danbe ah iyo 1H.
⦁ Waxaa dayactir ka socda xiligaan aan hadlayo xarunta dhexe ee wasaaradda ,waxaana hoolka wasaaradda loona naqshadeeyey qaab casri ah oo ku haboon shirarka waawayn ayadoo labada hool ee shirarka wasaaradda lagu qalabayn doono agab tayo leh oo qurxoon waxaana ka mid ah agabkaas VTC ama video tale conference  (maqal iyo muuqaal ah ) mudo dhan labo asbuuc ugu badnaan ayee ku dhamaan hawshaas, waxaana u qorshaysan 15,000 USD oo kale oo dayac tir dheeri ah lagu samayn doono xarunta dhexe wasaaradda taas oo ka mid ah qorshaha UNICEF iyo wasaaradda.
Siyaasadaha iyo Qorshaynta: 
           Waxaa la dhamaystiray Siyaasadaha kala ah:
⦁ Siyaasada Waxbarashada gaar ah
⦁ Siyaasadda Waxbarashada xanaanada caruurta
⦁ Siyaasadda Waxbarashada reer guuaraaga
⦁ Siyaasadda Waxbarashada dadban
⦁ Siyaasadda baahinta adeega Waxbarashada
         Waxaa sidoo kale la diyaariyey istaraajiyadaha kala
⦁ Istaraatijiyada  farsamada Gacanta
⦁ Istaraatijiyada  Waxbarashada reer guuraaga
⦁ Istaraatijiyada baahinta adeega Waxbarashada
⦁ Istraatijiyada wabarashada xaalada dagdaga ah
Waxaa sidoo kale wasaaraddu diyaarisay  buug ka lagu falanqeeyey xaalada Waxbarashada Puntland ka hor 2016 loona yaqaan Education sector analysis kadib  wasaaraddu waxay diyaarisay qorshaha shanta sano (ESSP 2017-21). Waxa siidoo kale laga diyaariyey qorshaha guud mid sanad leh oo lagu xisaabtamo fulitaankiisa.
Si loo daba galo in la fuliyey qorshaha sanad laha ee wasaaradda, waxaa labadii sano ee la soo dhaafay la qabtay labo shirwayne oo dib u loogu eegay Waxbarashada Puntland loona yaqaan (JRES 2016 iyo 2017) looguna qareemay mashaariic cusub.
Waxaa joogteey labadii sano soo saarida buuga xogta Waxbarashada Puntland ee loo yaqaan EMIS BOOK kaas oo sanadkiiba mar la soo saaro.
Wasaaraddu waxay qaadatay qorshe ah in la daadajiyo kaydka xogta ama ururinta xogta oo la gaarsiiyo heer gobal sidaa owgeed, wasaaraddu waxay shaqaalaysiisay labo qof oo xarunta dhexe ah iyo sagaal shaqaale oo heer gobal ah kuwaas oo fududayn doona nidaamka daadajinta EMIS ka .
Sida ku cad qorshaha GPE ee quarter two 2018, wasaaraddu waxay fulinaysaa qorshihii lagu daadajin lahaa nidaamka EMIS-ka iyo hirgalinta habka casriyeesan ee loo aruurin karo ama loo keedin karo xog dhammaystiran oo lagu kalsoonaan karo taas oo wasaaraddu u isticmaali doonto go’aan qaadashada masiiriga ah.
Deeqaha Waxbarashada: 
⦁ Waxaa labadii sano ee la soo dhaafay deeq Waxbarasho oo gudaha dalka iyo dibadda la siiyey arday gaaraysa 791 oo arday waxaana lookala diray dalalka kala ah  Sudan, Ethiopia, Egypt, China iyo Russia
⦁ Waxaa sidoo kale wasaaradda oo kaashanaysa bahwadaagta Waxbarashada laga bixiyaa lacagta iskuulka arday danyar ah oo gaaraysa 16,500 oo arday
Dhismaha la dhisay labadii sano
Waxaa la dhisay
⦁ 258 fasal ,
⦁ 4 dugsi sare oo cusub,
⦁ 14 dugsi hoose/dhexe,
⦁ 1 school oo gaar u ah gabdhaha,
⦁ 8 xarumood oo gabdhuhu ku nastaan ,
⦁ 117 lamaane suuli,
⦁ 56 barkadood,
⦁ 22 dayr …waxaa sidoo kale la dayac tiray
⦁ 54 school …waxana laga fuliyey dhamaan gobolada Puntland.
Manaahijta:
⦁ Waxaa la diyaariyey manhajka hoose/dhexe kaas oo ka dhaqan galay dhamaan dugsiyada hoose/dhexe ee ku yaal Puntland sanadkii 2016
⦁ Waxaa dib loo fiiriyey oo la tayeeyey manhajka dugsiga sare kaas oo ka dhaqan galay dhamaan dugsiyada sare ee Puntland sanadkii 2017.
⦁ Waxaa la diyaariyey kharashkii iyo khubaradii lagu qori lahaa buugta akhriska dugsiyada hoose/dhexe .waxaana sidoo kale dajiyey habraaciiroadmapkii loo mari lahaa qorista buugtaas , kharaskhkaas oo dhan 1.8 million (GPE,UNICEF,EU)
⦁ Waxaan ugu imid ayadoo Wasaaraddu ku tala gashay in lagu wareejiyo shirkado gaar ah balse maanta waxaa u diyaarinay Wasaaradda inay buugtaas qorto, daabacdo iyo lana gaarsiiyo arday kasta. 2018 ilaa 2019
⦁ Waxaa mashruuca SOMGEP naga taageerayaa in la dhammaystiro manhajka Waxbarashada dadban kaas oo dib loo eegayo level 1 and 2  lana qorayo level 3 and 4 ..wuxuuna noqon doona mid dhammaystiran
⦁ Waxaa la diyaariyey manhajkii farsamada Gacanta 10 xirfadood oo ka mid ah kuwa loogu baahi badan yahay si loo helo arda xirfad dhammaystiran leh.
⦁ Waxaa Gacanta lagu hayaa in la tayeeyo buugga hagaha tababarka macaliniinta
Macalimiinta 
⦁ Waxaa dib loo eegay payroll-ka dowladda ee macaliinta oo 1,195 macalin, waxaana laga saaray wixii caagle ahaa uu ku jiray.
⦁ Waxaa lagu kordhiyey 922 macalin oo cusub taas oo tirada guud ka dhigtay 2,117 macalin
⦁ Laga bilaabo Nov 2016 iyo Dec 2017 waxay si jooga ah u heleen mashaharkoodii dhamaan macalimiinta
⦁ Waxaa la tababaray labadii sano ee ugu danbaysay 1,546 macalin oo isugu jira Tababarada dhaadheer iyo kuwa gaaban.
⦁ Waxaa la sameeyey xogta kaydka macalimiinta (teacher data base )oo ah mid casriyeesan taas loo dajin doono in gobolada laga soo gesho xogta macalinka oo dhammaystiran.
Kormeerka
⦁ Waxaa la kormeerayo dhamaan iskuulada ku yaal Puntland ayadoo natiijada kormeerka lagu go’aan qaatay waxaana ka mid ahaa go’aanadaas  sixid iyo toosin  macalinka ama maamulaha iskuulka, boodboodka ardayga, badalid macalin ama Maamule iskkuul sidoo kale mararka qaar waxay kaliftay in la xiro iskuulo aan tayo lahayn.
⦁ Waxaa tababaro kala duwan loo sameeyey kormeerayaasha wasaaradda si loo xoojiyo tayada kormeerka
Tacliinta Sare
⦁ Waxaa la diyaariyey xeerkii tacliinta sare ee Puntland kaas oo horyaal golaha wakiilada Puntland si loo ansixiyo.
⦁ Waxaa la aasaasay gudiga tacliinta sare ee Puntland oo ah gudi xaqiijin doona tayada tacliinta sare ee Puntland.
⦁ Waxaa tababaro  kala duwan loo sameeyey Waaxda tacliinta sare iyo Jaamacadaha Puntland kuwaas oo ka dhacay gudaha dalka iyo dibaddiisaba
⦁ Waxaa la siisay jaamacada buugta akhriska si looxoojiyo qaybta Library ga Jaamacadaha
⦁ Waxaa loo sameeyey qaybo ka mid ah Jaamacadaha Xafiiska tayo dhowrka jaamacada
⦁ Waxaa la wanaajiyey xiriirka Jaamacadaha iyo wasaaradda
⦁ Waxaa la dhisay jaamacada maakhir University oo ah jaamacad dowli ah loona magacaabay gudoomiye.
Hilitaanka Waxbarashada 
⦁ Labadii sano ee la soo dhaafay, waxaa kordhay tirada ardayda Waxbarata ama jooga Goobaha Waxbarashada waxaana ku kordhay 30,000. taas oo ka dhigaysa tirada Waxbarata in ka badan 200,000 arday xiligaan.
⦁ Si loo kordhiyo tirada ardayda , waxaanu kordhinay tirada iskuulaadka ka faaiudaysta barnaamijka Quudinta ardayda waxuu ahaa 163 iskuul manta waa 230 iskuul  ardayka faaiidaystana waa 50,000 arday
⦁ Waxaa la sameeyey UNIT ah WASH in SCHOOL kaas oo kor u qaadaya nadaafada Goobaha Waxbarashada
⦁ Waxaa la sameeyey qayb qaabilsan Waxbarashada xaaladaha dagdaga ah kadib markii abaartu ku dhufatay Puntland waxaana manta ka faaiidaysta barnaamijyada Education in Emergency 280 iskuul.
Imtixaanadka
⦁ Waaxda imtixaanaadka waxaa kusoo kordhay imtixaan ugaar ah ardayga araga aan lahayn in laga qaado
⦁ Ardayda xaalada caafimaad daro ay lasoo daristo xiliga Imtixaanka oo loogu geenayo goobta uu joogo si uusan uga baaqan imtixaankii.
⦁ Labadii sano ee la soo dhaafay, Waxaanu xaqiijinay helitaannka kharashka xooga badan ee qaadista Imtixaanku u baahan yahay oo kor udhaafay 500,000 USD sanadkasta
⦁ Waxaanu kusoo kordhinay abaal marin qaali ah in la siiyo ardayda ugu sareesa Imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland
⦁ Waxaa la diyaariyey kharashkii lagu qaadi lahaa Imtixaanka tijaabada ah ee dugsiyada hoose iyo dhexe ee sanadka 2018 loo yaqaan MLA
⦁ Waxaa diyaarsan kharashkii lagu samayn lahaa KAYDKA SU’AALAHA Imtixaanka (question bank ) waxayna ku jiraan qorshaha GPE quarter two ee sanadkaan.
⦁ Waxay wasaaraddu gaday labo machine oo qaali ah oo loogu talagay in lagu daabaco imtixaanaadka
Mashaariicda
⦁ Miisaniyadda (Budget-ka) Mashaariicda saxiixan waa 23.5 million USD oo lagu talagay 2018 iyo 2019 in lagu fuliyo waxayna kala yihiin mashaariicdaas  Islamic bank, RCRF, EGEP, SOMGEP, BREGIES, DRIDS, ECW, UNICEF, GPE, WFP iyo Irish aid.
⦁ Waa qorshaysan oo meel fiican maraya in sadax sano oo kale lagu daro mashruuca Waxbarashadu waa iftin oo ah mashariicda ugu mihiimsan ee wasaaradda budget la filayana waa 7.5 million
⦁ Hayadaha wasaaradda  la shaqeeya waa UNICEF, WFP, CARE, SCI, RI, NRC, AET, WV, ADRA.
⦁ Donors kuna waa EU,GPE, WB,ISLAMIC.Bank, DFID iyo USAID
⦁ Donors ku soo korday mudadaas labada sano ah waa Islamic Bank iyo World Bank.
Waxaan intaas ka dib aan rabaa inaan halkaan uga Mahadceliyo Madaxweynaha Dawladda Puntland Prof. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo igu aaminay xilkaan weyn kaas oo sadex wasaaradood oo ka mid ah Wasaaradaha mugga ku leh Puntland iiga dhigay Agaasime guud, sidoo kalana wada shaqayn aan hagar lahayn aan kala kulmay.
Waxaa kale oo aan halkaan uga mahad celinayaa Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland Prof. Abshir Yuusuf Aw-Ciise sida hagar la’aanta ah oo uu iigala shaqeeyay iiguna garab istaagay habsami u socodka Waxbarashada, isagoo mar walba nagu garab siinayay talooyinkiisa, waayo aragnimadiisa iyo hal-abuurkiisa taasoo keentay inay maanta wasaaraddu higsanayso meel fiican hawlo waaweyna ugu fuleen, waxaa sidoo kale u mahad celinayaa Wasiiru dawlaha iyo Wasiir ku xigeenka mudadii aan wada shaqaynaynay.
Waxaa aan sidoo kale u mahad celinayaa dhammaan Agaasime Waaxeedyada iyo shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada heel Xarun dhexe iyo heer Gobol, Degmo illaa maamulada iyo macallimiinta Iskuulaadka, kuwaasoo dhab ahaan hawlaha aan ka soo sheekeeyay la’aantood aysan hirgaleen, dhab ahaanna muujiyay firfircooni iyo hawlkarnimo weyn.
Waxaan marna la illaawi Karin hay’adahii nagu garab taagnaa hawlaha aan dhallaankayaga waxbarashadooda uga shaqaynaynay oo maalin iyo habeenba nagu garab taagnaa inaan himilooyinkaasi ka gun gaarno.
Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this