Sign in to follow this  
Deeq A.

(SAWIRRO) Agaasimihii hore ee wasaradda waxbarashada Puntland oo xilkii ku wareejiyay agaasimaha cusub.

Recommended Posts

Deeq A.   

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada dowladda Puntlan Maxamed Cali Faarax ayaa maanta si rasmi xilkiisi ugala wareegay agaasimihi hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Maxamed C/Qaadir Cismaan halka isagana uu ku wareejiyay xilkiisii agaasima Guud ee Wasaaradda Cadaalada iyo Diinta iyo awqafta.

Xaflad xil wareejin ah oo ka dhacay xarunta Waxbarashada ayaa waxaa kasoo qeyb galay wasiirka waxbarashada,Wasiir ku xigeenka Waxbarshada iyo Wasiir Dowlaha Waxbarashada iyo wasiir ku xigeenka Wasaaradda Cadaalada Puntland iyo dhammaan Shaqalaha Wasaarada Waxbarashada iyo Hay’addaha Tageera Waxbarashada.

Agaasimihii hore ee Wasaaradda waxbarashada Maxamed C/qaadir Cismaan ayaa sheegay inuu meel wanaagsan gaarsiiyay shaqada xafiiskiisa agaasimaha guud, wuxuuna intaas ku daray inuu waayo aragnimo badan ka qaatay intii uu la shaqeynayay Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare.

Waxaana ka dib u Mahad celiyey Madaxweynaha Dawladda Puntland Prof. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ku aaminay xilkaan weyn kaasoo saddex wasaaradood oo ka mid ah Wasaaraddaha mugga ku leh Puntland uga dhigay Agaasime guud, sidoo kalana wada shaqayn aan hagar lahayn aan kala kulmay.

Waxaa kale uu sidoo kale u mahad celiyay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland Prof. Abshir Yuusuf Aw-Ciise sida hagar la’aanta ah oo uu ula shaqeeyay uguna garab istaagay habsami u socodka Waxbarashada.

Agaasimaha cusub ee wasaaradda waxbarashada Maxamed Cali Faarax Farmayeeri ayaa isna sheegay inuu ku faraxsan yahay shaqadaan cusub, isagoo u mahad celiyay shaqada uu qabtay agaasimihii hore, wuxuuna balanqaaday inuu si wanaagsan howshiisa ugasoo bixidoono haddii lagu garab lagusii howshiisa.

Maxamed Cali Faarax wuxuu sheegay inuu si qadarin iyo xushmad leh ula shaqeyndoona qofka ugu sareeya iyo qofka ugu hooseeeya Wasaaradda Waxbarashada.

Wasiirka Wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare Prof. Abshir Yuusuf Ciise iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Dr. Maxamed Cali Faarax ayaa xaflada ka jeediyay hadalo isugu jira mahad celin agaasimihii hore iyo soo dhowaynta agaasimaha cusub, waxayna ugu dambayn shahaado sharaf gudoonsiiyeen agaasimihii hore ee wasaaradda waxbarashada oo lagu ammaanay shaqo wanaagiisii.

DAAWO SAWIRRADA.

27067267_560335274299790_580959765424942 27067581_560334767633174_265839859293778 27067807_560336534299664_346244497882106 27067900_560336367633014_733368037028084 27337127_560335474299770_764572335092177 27459692_560335074299810_626324868554289 26991964_560334784299839_206206900643242 26991971_560336257633025_420035266490990 26992377_560334700966514_508410264138344 26992457_560335964299721_344275064194235 26992670_560335774299740_314432273576978 26993930_560339997632651_795960010344236 26994132_560335610966423_653375528973435 26994167_560335694299748_170277782911643

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this