Sign in to follow this  
Deeq A.

Laamaha Amaanka Bosaso oo soo Bandhigaya Hub iyo waxyaabaha qarxa

Recommended Posts

Deeq A.   

Bosaso-[Puntland Post]-Saraakiisha Ciidamada Ammaanka ee magaalada Bosaso ayaa Maanta waxa ay ku soo bandhigeen Hub iyo waxyaabaha qarxa.

Hubkan iyo waxyaabaha qaraxa oo lagu soo qabtay howlgal la sameeyay ayaa waxa ay ka kooban yihiin Bambaanooyinka nooca Gacanta laga tuuro iyo Rasaasta Madaafiicda.

Saraakiisha ugu sareysa Ciidamada Ammaanka Boosaaso ayaa shir jaraa’id oo ay Warbaahinta ugu qabteyn Boosaaso ayaa waxa ay ku sheegeen in ay hayaan ragii watay waxyaabaha qarxa iyo hubka baritaana uu ku socdo dhawaana ay Warbaahinta u soo bandhigi doonan.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliiska Gobolka Bari Axmed Jaraale ayaa sheegay in howlgallo kale ay weli socdaan waxyaabihii lagu soo qabtana sidaan oo kale loo soo bandhigi doono.

Saraakiishu mabixin faah faahino kale oo intaasi ka badan,balse waxaa xusid mudan in todobaadyadii la soo dhaafay Ciidamada Puntland ay howlgallo ka wadeen Xaafado ka tirsan Gudaha Magaalada Boosaaso.

1-87.jpg?resize=960%2C540 2-85.jpg?resize=960%2C540 3-69.jpg?resize=960%2C540 4-62.jpg?resize=960%2C540 5-50.jpg?resize=960%2C540

Cabdiqani Boos 

Puntland Post

The post Laamaha Amaanka Bosaso oo soo Bandhigaya Hub iyo waxyaabaha qarxa appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this