Sign in to follow this  
Deeq A.

Agaasimayaasha Cusub ee waxbarashada iyo Cadaaladda Puntland oo xilalka isku wareejiyey.

Recommended Posts

Deeq A.   

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada dowladda Puntlan Maxamed Cali Faarax ayaa maanta si rasmi xilkiisi ugala wareegay agaasimihi hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Maxamed C/Qaadir Cismaan .halka isagana uu ku wareejiyay xilkiisii agaasima Guud ee Wasaaradda Cadaalada,Diinta iyo awqafta.

Xaflad xil wareejin ah oo ka dhacay xarunta Waxbarashada ayaa waxaa kasoo qeyb galay wasiirka waxbarashada,Wasiir ku xigeenka Waxbarshada iyo Wasiir Dowlaha Waxbarashada iyo wasiir ku xigeenka Wasaaradda Cadaalada Puntland iyo dhaamaan Shaqalaha Wasaarada Waxbarashada iyo Hay’addaha Tageera Waxbarashada.

ugu horayn Waxaa afka shaqalaha ku hadlay Agaasimaha Waaxda Qorshaynta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Asmaa C/qaadir Maxamed.

Waxay ka hadashay warbixino miisaan leh Shaqaalaha Wasaaradda ka war bixiyey isagoo ka codsaday sidii ay ula shaqeeyeen iyo si ka fiican inay u gacan siiyaan agaasimaha cusub ee ay Wasaaraddu yeelatay, waxaa kale oo uu ka codsaday Hay’adaha ka shaqeeya waxbarshada inay soo dhoweeyaan lana shaqeeyaan nidaamka cusub.

Wasiir Dowlaha ayaa aad ugu Mahad celiyay hawlihii uu u fududeeyey mudadii uu xilka hayey Agaasimaha Guud,Wasaaradda Waxabarashada ayaa leh Shaqaalle Aqoon iyo khibrad waxbarasho ku ammaanay ina yihiin kuwo waxqabad leh, oo jecel horumarka iyo waxqabadka Dalka.

Agaasimihii hore ee Wasaaradda waxbarashada Maxamed C/qaadir Cismaan ayaa sheegay inuu meel wanaagsan gaarsiiyay shaqada xafiiskiisa agaasimaha guud, wuxuuna intaas ku daray inuu waayo aragnimo badan ka qaatay intii uu la shaqeynayay Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare.

Waxaana ka dib u Mahad celiyey Madaxweynaha Dawladda Puntland Prof. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo igu aaminay xilkaan weyn kaas oo sadex wasaaradood oo ka mid ah Wasaaradaha mugga ku leh Puntland iiga dhigay Agaasime guud, sidoo kalana wada shaqayn aan hagar lahayn aan kala kulmay.

Waxaa kale oo aan halkaan uga mahad celinayaa Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland Prof. Abshir Yuusuf Aw-Ciise sida hagar la’aanta ah oo uu iigala shaqeeyay iiguna garab istaagay habsami u socodka Waxbarashada, isagoo mar walba nagu garab siinayay talooyinkiisa, waayo aragnimadiisa iyo hal-abuurkiisa taasoo keentay inay maanta wasaaraddu higsanayso meel fiican hawlo waaweyna ugu fuleen, waxaa sidoo kale u mahad celinayaa Wasiiru dawlaha iyo Wasiir ku xigeenka mudadii aan wada shaqaynaynay.

Agaasimaha cusub ee wasaaradda waxbarashada Maxamed Cali Faarax Farmayeeri ayaa isna sheegay inuu ku faraxsan yahay shaqadaan cusub, isagoo u mahad celiyay shaqada uu qabtay agaasimihii hore, wuxuuna balanqaaday inuu si wanaagsan howshiisa ugasoo bixidoono haddii lagu garab lagusii howshiisa.
Maxamed Cali Faarax wuxuu sheegay inuu si qadarin iyo xushmad leh ula shaqeyndoona qofka ugu sareeya iyo qofka ugu hooseeeya Wasaaradda Waxbarashada.

Wasiirka Wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare Prof. Abshir Yuusuf Ciise iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Dr. Maxamed Cali Faarax ayaa xaflada ka jeediyay hadalo isugu jira mahad celin agaasimihii hore iyo soo dhowaynta agaasimaha cusub, waxayna ugu dambayn shahaado sharaf gudoonsiiyeen agaasimihii hore ee wasaaradda waxbarashada oo lagu ammaanay shaqo wanaagiisii.

Wasaaradda Waxbarashada Puntland

DHAMMAAD

MG_0100.jpg?resize=600%2C400 MG_0102.jpg?resize=600%2C400 MG_0103.jpg?resize=600%2C400 MG_0104.jpg?resize=600%2C400 MG_0109.jpg?resize=600%2C400 MG_0110.jpg?resize=600%2C400 MG_0111.jpg?resize=600%2C400 MG_0112.jpg?resize=600%2C400 MG_0113.jpg?resize=600%2C400 MG_0114.jpg?resize=600%2C400 MG_0126.jpg?resize=600%2C400 MG_0127.jpg?resize=600%2C400 MG_0140.jpg?resize=600%2C400 MG_0141.jpg?resize=600%2C400 MG_0152.jpg?resize=600%2C400 MG_0156.jpg?resize=600%2C400 MG_0157.jpg?resize=600%2C400 MG_0167.jpg?resize=600%2C400 IMG_0107.jpg?resize=600%2C400 IMG_0119.jpg?resize=600%2C400 IMG_0121.jpg?resize=600%2C400 IMG_0130-1.jpg?resize=600%2C400 IMG_0133-1.jpg?resize=600%2C400 IMG_0138.jpg?resize=600%2C400 IMG_0146.jpg?resize=600%2C400 IMG_0147-1.jpg?resize=600%2C400 IMG_0160-1.jpg?resize=600%2C400 IMG_0161.jpg?resize=600%2C400

 

The post Agaasimayaasha Cusub ee waxbarashada iyo Cadaaladda Puntland oo xilalka isku wareejiyey. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this