Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah Faahin:Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ee Ka Dhashay Qarax Ka Dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho-(Caasimadda Online)-Ciidamo katirsan kuwa dowladda ayaa waxaa qarax lagula eegtay isgoyska fagax ee degmada Yaqshiid gobolkan Banaadir qaraxaan ayaa lasheegay in uu ahaa Bamka Gacanta laga tuuro waxaana la sheegay in lagu weeraray ciidamo oo joogay isgoyskaas.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in Ciidamada qaraxa lala eegtay ay ahaayeen kuwo ka tirsan Nabad-Sugida Soomaaliya  oo fariisin ku leh Isgoyska Fagax isla markaana uu jiro khasaaro ka dhashay qaraxaas.

Inta la xaqiijiyay waxaa ku dhaawacmay  5 ruux oo isugu jira Ciidamo iyo Shacab waxaana jirtay rasaas ay fureen ciidamada qaraxa la la eegtay.

Isgoyska Fagax ayaa ka mid ah Isgoysyada Mashquulka badan ee Magaalada Muqdisho waxana qaraxa kadib hakad galay isku socodkii dadka iyo Gaadiidka.

Xaalada ayaa ah mid degan oo waxana Goobtii uu qaraxy kadhacay weli ku sugan Ciidamada Nabad-Sugida Soomaaliya inkastoo aysan wax war ah ka soobixin Maamulka degmada Yaaqshiid ee Gobolkan Banaadir.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Faah Faahin:Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ee Ka Dhashay Qarax Ka Dhacay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this