Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa kasoo baxay kullankii wasaaradda warfaafinta Puntland iyo weriyayaasha?

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda warfaafinta dowladda Puntland ayaa maanta kullan gaar ah la qaadatay weriyayaasha iyo warbaahinada ka howgalla degaanada Puntland. Wasiirka warfaafinta Puntland, Cabdi Xirsi Qarjab oo kullankaan weriyaaasha uga yeeray ayaa wax la isaga weydiiyay arrimo ku saabsan shaqada weriyayaasha iyo dhaliilo loosoo jeediyay oo ku saabsanaa in ay jiraan weriyayaal iyo warbaahino qora warar been abuur ah oo meel ka dhac ku ah dowladda Puntland.

Ugu dambayn, kullankaan ayaa la isku afgartay qodobadaan.

Inay dowladda maxkamad la tiigsanayso cid walba oo baraheeda internetla sida facebook ama meelaha ee wararka lagu faafiyo kusoo daabacda warar been abuur ah oo meel ku dhac ku ah dowladda puntland.

Wasaaradda warfaafintu waxay sheegtay inay sameynayso goob macluumaadka dowladda laga heli karo, laguna beeninayo war kasta oo been abuur ah.

Waxay wasaaraddu warbaahinada puntland ugu baaqday inay kaalintooda muwaadinimo ka qaataan adkaynta amniga Puntland iyo difaaca.

Ururka warbaahinta ayaa soo dhoweeyay go’aanadaan waxayna masuuliyiintooda oo kulankaas goob joog ka ahaa ay sheegeen inaysan masuul ka ahayn cid walba oo facebookeeda kusoo qorto warbixin been abuur ah, dowladdana ay tilaabo qaado.

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this