Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo ku Wajahan Adis Ababa

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyada Fedraalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Goordhow ku wajahan Magaalada Adis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa Goordhow ka duulaya garoonka Aadan Cabdulle Cismaan Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Adis Ababa uga qeeybgali doono Shirka madaxda Wadamada Qaarada Afrika kaasi oo bari ka dhacaya Adis Ababa.

Shirkaasi oo looga hadlayo Xaaladaha Wadamada Afrika iyo saxiixa heshiisyo ay gaareen wasaaradaha arimaha dibada oo ka hor shirkaan lagu qabtay Adis Ababa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu ku suganyahay Adis Ababa waxa uu kulan la yeelan doonaa madax kala duwan oo ka socoto qaarada Afrika.

Sanad waliba xiligaan oo kale ayaa waxaa Magaalada Adis Ababa oo ah xarunta Midowga Afrika lagu qabtaa shirka sanadlaha ah ee Midoowga Afrika.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post – Muqdisho

The post Madaxweyne Farmaajo oo ku Wajahan Adis Ababa appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this