Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Akoonada qaar kamid ah mas’uuliyiinta G/Banaadir ee aan xilka wareejin & Gudoomiyayaal Degmo oo la xiray

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in la hakiyay dhaqdhaqaaqyad Akoono dhowr ah oo ay lahaayen Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir ee aan weli xilka wareejin iyo Guddoomiyayaasha Degmooyinka qaarkood.

Akoonada ugu badan ee la xiray ayaa la sheegay in mas’uuliyiintaas ay uga furnaayen ilaa laba shirkadood, oo qaar kamid ah laga helay dhaqaale xoogan.

Hakinta dhaqdhaqaaqa Akoonada ayaa waxaa la xaqiijiyay inay ka danbeeyen guddi ay madaxtooyada Somalia u xilsaartay, iyadoo baaritaano degdeg ah kadib la hakiyay dhaqaalaha ku jiray.

Xogtu waxa ay intaa kusii dareysaa in dhaqaalaha ugu badan laga helay ilaa Shan akoon oo sababo jira aawgood aan halkaan lagu sheegi Karin.

Dowlada Somalia ayaa horay u sheegtay inay ka hortageyso dhaqaalaha keydsigooda loo maro qaabab khaldan, waxaana lagu wadaa in Akoonada la xiray ay dowladu kasoo saarto war cad.

Geesta kale, Akoonada dhaqdhaqaaqooda la xanibay ayaa ilaa iyo hadda loo la’ yahay shaqsi difaacda, kadib markii baaritaanka uu ku dhacay si kadis ah.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Xog: Akoonada qaar kamid ah mas’uuliyiinta G/Banaadir ee aan xilka wareejin & Gudoomiyayaal Degmo oo la xiray appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this