Sign in to follow this  
Deeq A.

Wiil sabab cajiiba ugu dhex dhintay Xabsiga Dhexe ee Muqdisho (Akhriso)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya Xabsiga Dhexe ayaa sheegaya in halkaa uu ku dhex dhintay wiil dhalinyaro ah oo kamid ahaa dadka ku xirnaa Xabsiga.

Marxuumkan ayaa la sheegay in lagu soo qabtay howlgal, isla markaana lagu eedeeyay inuu xubin ka ahaa maleeshiyaadka al-Shabaab, sida laga soo xigtay adeerka marxuumka.

Marxuumka ku dhex dhintay Xabsiga ayaa lagu magacaabi jiray Xasan Maxamuud Xasan, waxaana la xaqiijiyay in maalmahaani danbe uu ahaa mid xanuunsan.

Nin adeer u ah wiilka ayaa sheegay in geerida wiilkiisa ay soo degdegtay kadib markii ay kubad wada cayaareen mid ka mid ah dhalinyaradda xabsiga ku xiran ka dibna ay is dagaaleen sidaasna lagu geliyay Konteenar , islamarkaana uu kusoo kacay xanuunka sidaana ku dhintay.

Adeerkan oo ka hadlaayay qaabka loo soo qabtay wiilkiisa marxuumka ah ayaa sheegay in Markii lasoo qabtay la waydiistay Laaluush, islamarkaana ay diideen in ay bixiyaan sidaasi lagu xukumay wiilka.

Adeerka oo arrintaa ka hadlaayay ayaa yiri ‘’Markii aan diidnay bixinta lacago laaluush ah, waxaa naloo sheegay in wiilkooda aysan dib u arki doonin waxaana xigay xukun degdeg ah oo lagu riday’’

Waxa uu intaa raaciyay ‘’Geerida wiilkeyga ka sokoow xanuunka waxaa u sabab ah garsoorka waayo si bareer ah ayaa la ii weydiiyay laaluush, markii aan dhahay mahayi waxaa ku dhacay xukun’’

Dowlada Somalia weli kama aysan hadal geerida wiilkaan dhalinyarada ah, waxaana horay u jiray maxaabiis badan oo Xabsiga ku geeriyootay.

Dhinaca kale, Garsoorka Somalia ayaa lagu eedeeyaa inuu ku dhisan yahay hanaan qabiil iyo mid laaluush, sida ay qabaan inta badan shacabka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Wiil sabab cajiiba ugu dhex dhintay Xabsiga Dhexe ee Muqdisho (Akhriso) appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this