Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeybgalaya shir madaxeedka Midowga Afrika Oo lagu Qabanayo Dalka Ethiopia.

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho-(Caasimadda Online)-Shir madaxeedka wadamada Midowga Afrika ayaa lagu wadaa in maalinta beritu ah uu ka furmo magaalada Addis-Ababa ee xarunta Dalka Itoobiya,kaasi oo ay ka qeybgalayaan hoggaamiyaasha Dowladaha Afrika oo Soomaaliya ay ku jirto.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalak Soomaaliya Mudane Maxmed C/llaahi Farmaajo  iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa ka qeybgalaya shirkaasi,iyadoo lafilayo in madaxweyne Farmaajo  uu maanta u amba boxo Dalkaasi Itoobiya.

Shirka oo uu socondoono muddo labo maalmood ayaa looga arrin sanaya xoojinta nabadageliyada,ladagaalanka Musuqa iyo Arggagixisada ee Qaaradda Afrika.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa inta uu ku sugan yahay madasha shirkaasi waxaa la filayaa in kulamo uu la yeeshey madaxda hoggaamiyaasha dalalka Afrika ka socda.

Ugudanbayntii shir madaxeedka wadamada Midowga Afrika waxaa sanadkaan lagu casuumay madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas Abuumaasin oo halkaasi ka jeedin doona khudbad la xiriirta arrimaha Falastiin iyo Israel,isagoo sidoo kale soo bandhigi doona aragtidiisa ku aadan go’aankii madaxweyne Trump ee Qudus.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Madaxweyne Farmaajo oo ka qeybgalaya shir madaxeedka Midowga Afrika Oo lagu Qabanayo Dalka Ethiopia. appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this