Sign in to follow this  
Deeq A.

Beesha Ugaaryahan oo dowladda Puntland ku taageertay ugana mahad celisay diyaar garowga ugu jirto difaaca iyo xoraynta gobolka Sool.

Recommended Posts

Deeq A.   

BEYAAN KA SOO BAXAY GUURTIDA BEESHA UGAADHYAHAN SIYAAD

Annaga oo ah Guurtida iyo Waxgaradka Beesha Ugaadhyahan Siyaad, Kaddib markii aannu yeelannay Shir Khadka Telefoonka ah oo ay Beeshu ku kulantay markii ay Taariikhdu ahayd:- 21/01/2018 Gudo iyo Debad, Shirkaas oo uu Shir Guddoominayey Garaad Saleebaan Garaad Maxamed waxa la isla qaatay Qodobada soo socda:-

– In lagu jiro Abaabul Dagaal dib loogu Xoraynayo Dhulka ku jira Gacanta Jabhadda SNM ama Jeegaanland, Dagaalkaas oo ay Beeshu isla qaadatay Dal iyo Debadba inay Naf iyo Maalba u hurayso.

– Waxaannu u mahad celinaynaa, Dawladda Puntland iyo Beelaha aannu Tolka iyo Ehelka nahay oo iyana si hagar la’aan ah ugu diyaar garoobey inay Qayb Libaax ka qaataan Xoreynta Dhulka la haysto.

– Waxay Beeshu cambaaraynaysaa si toos ahna uga soo horjeeddaa, Cid kasta oo isku deyeyasa inay ku qadhaabato Magacyada Madhalayska ah sida:- Khaatumo, Guurti, Iwm, Kuwaas oo Maalmihii u danbeeyey Dad ku maxaafsadaa ka sii daayey Saxaafadda Warar lagu manjaxaabinayo Abaabulka iyo Diyaar garowga loogu jiro dib u xoraynta Deegaannada Cadawgu haysto. Xubnahaa waxa caado u ah oo lagu yaqaan in ay Dawladda Puntland ku tilmaamaan Cadowgooda Kowaad, Taas oo ay u dheer tahay iska hor keenka iyo isku dirka Shacabka Dhulbahante.

– Waxay Beeshu ka digaysaa Bayaan ku sheeg Been abuur ah oo ay soo saareen xubno isku magcaaba Guurti, Magacaas oo ay ugu shaqeeyaan Maamul ku sheegga Jeegaanta, Isla markaana la wada ogsoon yahay inay qayb ka ahaayeen Mashruucii fashilmay ee ka jar oo ku dar oo SL u maalgelisey Oday Cali Khaliif, Hadana hawshoodu tahay dhammaystirka wixii weli qabyo ka ah mashruucaas. Xubnaha Magac Guurti sheegtaa waxay goobjoog iyo saxeexayaal ka ahaayeen, Waraaqihii Beenta ahaa ee ay Adisababa isdhaafsadeen Wakiilladii Cali Khaliif iyo Dhigoodii Jeegaanta ka socdey.

– Dhammaan Beelaha Dhulbahante waxaannu ugu baaqayanaa inay iska kaashadaan sidii Cadowga looga xorayn lahaa degaanada SSC, Muruq iyo Maalna loogu midoobo hawgalka socda iyo Dagaalka, Dibna loo dhigo Shirkii loo ballansanaa iyo hawl kasta oo kale inta laga salgaadhayo Xoraynta iyo dib u hanashada Degaannada maqan ee SSC.

– Ugu dambayn waxa laga codsanayaa xubnihii Beesha kaga jirey Guddiga Qaban-qaabada Shirkii hore loo iclaamiyey inay Shir degdega Beesha ugu yimaaddaan.

WA BILAAHI A RAWFIIQ

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this