Sign in to follow this  
Deeq A.

Midowga Afrika,” Duqaymaha Maraykanka ee Soomaaliya waxay wiiqeen awoodii kooxaha argigixisada Soomaaliya.

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Mareykanka ayaa kor u qaaday hawlgalladeeda ka dhanka ah kooxaha argigixisada ee ka dagaalama Soomaaliya, isaga oo bartilmaameedsanayay xarumaha argigixisada ku tababartaan.

Weerarada duqaynta ah ee Maraykanku ka fuliyay Soomaaliya waxay xaaqeen ama tirtireen tiro badan oo kamid ahayd dagaalamayaasha argigixisada,” ayuu yiri Francisco Madeira, oo ah madaxa ugu sarreeya 22,000 askari ee Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM).

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ciidamadiisa Soomaaliya ku sugan amar kusiiyay inay tilaabo ka qaadaan cid kasta oo argigixiso looga shakiyo, iyagoo aan u baahnayn in wax oggolaansho ah ka qaataan aqalka cad.

Francisco Madeira. ayaa sheegay inaysan wax su’aal ah ka taagnayd suurtagalnimada in waqtiga loo kordhiyo ciidamada Amisom ee ku sugan Soomaaliya, oo hadda waqtigooda uu ku egyahay 2020, isagoo hoosta ka xariiqay inay muddo dheer qaadan karto in ciidamada Soomaaliya loo diyaariyo inay la wareegaan masuuliyada ammaan ee waddankooda.

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this