Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynihii Hore ee Hir Shabelle oo u Tar Tamaya Xildhibaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Cali Cabdullaahi Cosoble Madaxweynihii hore ee Maamulka Hir Shabelle ayaa shaaciyay in uu u tartamayo Mudane katirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Kursigaan ayaa waxaa baneeyay Cabdullaahi San Baloolshe oo loo magacaabay Taliyaha NISA.

Doorashadaan ayaa waxa ay ka dhici doonto magaalada Jowhar ee xarunta KMG ah ee Maamulka Hir Shabelle.

Sidoo kale waxaa Kursigaan u tartamaya siyaasiin kale oo ka soo jeeda Gobolka Hiiraan ee Bartamaha dhulka Soomaaliya.

Magaalada Jowhar ayaa waxaa gaaray siyaasiin badan oo doonaya in ay ku guuleeystaan kursigaasi.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho

The post Madaxweynihii Hore ee Hir Shabelle oo u Tar Tamaya Xildhibaan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this