Sign in to follow this  
Deeq A.

Dr Galeyr oo gaarey Mareykanka ka dib katagistii Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

Siyaasi Cali Khaliif Galeyr oo labo maalmood ka hor si deg deg ah uga dhoofay magaalada Hargeysa ayaa caawa gaarey dalka Mareykanka, waxaana halkaas kusoo dhaweeyay xubno ka tirsan Jaaliyadda oo sita calanka dalka Soomaaliya.

Si rasmiya looma oga ujeedada uu ku qotomo socdaalka uu sanado badan ka dib Dr Cali Khaliif Galeyr ku tagayo dalka Mareykanka oo dhalasho iyo deganaansho uu ka haysto, wuxuuna kusoo beegmayaa safarkiisu xilli xiisad colaadeed oo adag ay ka dhex bilaamatey labada maamulka ee dariska Puntland iyo Somaliland oo mudooyinkii dambe wada hadal aan wali heshiis laga gaarin la bilowday Hogaankii Khaatumo.

Ka hor intii uusan dalka ka dhoofin Mudane Galeyr todobaadkii horre wuxuu socdaal dhulka ku marey deegaano ka tirsan Gobolka Sool iyo Magaalada Laascaanood oo uusan muddo dheer cag soo dhigin, mana jirin natiijo rasmiya oo la shaaciyay oo kasoo baxday kulamo siyaasadeed oo dhexmarey bulshada deegaanka maalmo ka dib markii Somaliland duulaan ku qabsatey magaalada Tuko raq oo uu horey uga talin jirey maamulka Puntland.

Riix,Akhriso Warbixintii horre ee Warbaahinta PUNTLAND POST.

received_20481866751973961.jpeg?resize=7 received_2048186731864057.jpeg?resize=72 received_2048186818530715.jpeg?resize=72 received_20481868285307141.jpeg?resize=7 received_2048186831864047.jpeg?resize=72 received_2048186855197378.jpeg?resize=72 received_2048186868530710.jpeg?resize=72Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST

The post Dr Galeyr oo gaarey Mareykanka ka dib katagistii Hargeysa appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this