Sign in to follow this  
Deeq A.

Ugu yaraan 30 tahriibayal ah oo ku dhintay Xeebaha dalka Yemen.

Recommended Posts

Deeq A.   

Qaramada Midoobay ayaa sheegaysa in ugu yaraan 30 tahriibayaal Afrikaan ah ay dhinteen,kadib markii doontii ay saarnaayeen ku qallibantay xeebaha waddanka Yemen.

Qoraal ay jimcihii maanta soo saartay Wakaaladda Socdaalka Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in doonta oo siday 152 tahriibayal Soomaali iyo Ethiopian ay buux dhaaftay. Doonta ayaa ka timid al-Buraiqa  oo u dhow degmada Aden ee dalka Yemen,waxayna ku sii jeeday dhinaca dalka Djibouti.

IOM ayaa sheegaysa in la rumaysan yahay in doonta ay wadeen“mulakhasiin damiir laawayaal ah” oo isku dayey“in ay lacag dheeraad ah ka qaadaan tahriibayasha“.qaar kamid ah dadkii badbaaday ayaa IOM u sheegay in mulakhasiintu ay rasaas ku fureen markii doonto qallibantay.

Xigasho:- Wakaaladda Wararka AP News.

PUNTLAND POST

The post Ugu yaraan 30 tahriibayal ah oo ku dhintay Xeebaha dalka Yemen. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this