Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo taageertay hawlgal khilaaf weyn dhaliyey.

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Soomaaliya ayaa jimcihii maanta sheegtay in ay taageersantahay hawlgalka muranka dhaliyey ee Turkigu ka wado magaalada Afrin ee dalka Syria.

Wasiirka Arrimaha debadda Soomaaliya,Axmed Ciise Cawad oo magaalada Addis Ababa kula hadlay Wakaaladda Wararka Turkiga ee Anadolu Agency,ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay taageersantahay hawlgalka militari ee Turkigu ka bilaabay dalka Syria ee lagu baacsanayo Jabhadda Kurdiyiinta Maraykanku hubeeyo ee PYD.

Dowladda Turkiga ayaa sabtidi bilowday hawlgal ballaaran oo magaalada Afrin ee dalka Syria looga sifaynayo Jabhadda Kurdiyiinta PYD,waxaana hawlgalkas ka dhashay khilaaf weyn oo u dhexeeya dowladaha Turkiga iyo Maraykanka oo taageero hub iyo mid dhaqaaleba siisa Jabhadda PYD.

Turkiga ayaa rumaysan in Jabhadda PYD ay xiriir hoose la leedahay Jabhadda kale ee PKK oo dagaal xun kala dhexeeyo militariga Turkiga,laakiin xukuumadda Washington ayaa ku doodaysa in Jabhadda PYD ee kurdiyiinta ay door muuqda ka qaaday cirib-tirka dagaalyahannada Daacish ee ku sugan Syria.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya oo taageertay hawlgal khilaaf weyn dhaliyey. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this