Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirkii Beeraha iyo Waraabka Puntland oo geeriyooday.

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirkii Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka dowladda Puntland,Cabdinuur Cilmi Maxammuud(Biindhe) ayaa goor dhoweyd ku geeriyooday magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Geerida Wasiirka waxaa PUNTLAND POST u xaqiijiyey xubno ka tirsan qoyskiisa iyo qaar kamid ah shaqaalaha Wasaaradda,waxaana sida ay sheegeen Wasiirku u dhintay xanuun soo wajahay,inkastoo aan faahfaahin laga bixin.

Marxuun Biindhe ayaa kamid ahaa wasiiradii ugu horreeyey ee lagu as-aasay dowladda Puntland,isagoo xilal ka soo qabtay xukuumadihii kala dambeeyey ee soo maray Puntland. Biindhe ayaa sidoo kale xilal ka soo qabtay maamulkii burburay ee Khaatum.

Wasiirka geeriyooday ayaa muddooyinkii dambe ku maqnaa magaalada Muqdisho halkaasoo u tegay baaritaan caafimaad,sida ay sheegeen eheladiisa.

Faahfaahin kala soco:puntlandpost.net

The post Wasiirkii Beeraha iyo Waraabka Puntland oo geeriyooday. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this