Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab oo gacmaha ka jaray laba qof oo shacab ah.

Recommended Posts

Deeq A.   

Ururka Al-shabaab ayaa gacmaha ka jaray laba qof oo shacab ah,kadib markii lagu eedeeyay xatooyo.

Maxkamadda Al-shabaab ee degaanka Kuunya-barrow oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose ayaa goob fagaare ah gacmaha kaga jartay,Maxamuud Maxamed Xassan iyo Xassan Maxamed Yuusuf oo lagu eedeeyay in ay lacag ka badan 17 malyan oo shiling Soomaali ah ka xadeen dukaan ku yaalla degaanka Ambareeso oo hoostaga degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Garsooraha Maxkamdda Al-shabaab ee xukunka fulisay ayaan gebi ahaanba soo bandhigin wax caddeyn ah ama markhaatiyaal qiray in labada nin ay xatooyo geysteen,taasoo shaki gelinaysa sax ahaanshaha xukunkaan.

Fagaaraha gacmaha looga jaray raggaan ayaa waxaa daawanayey boqollaal shacab ah oo ay ku jiraan haween iyo carruur aad u da’yar,sida ka muuqata sawirro lagu baahiyey baraha bulshada.

PUNTLANDPOST

The post Al-shabaab oo gacmaha ka jaray laba qof oo shacab ah. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this