Sign in to follow this  
Deeq A.

Faahfaahin: Dowladda Kenya oo joojisay Mirow loo soo waday Garoowe.

Recommended Posts

Deeq A.   

miraa-pic.jpg?resize=600%2C400

Faahfaahin dheeri ah ayaa ka soo baxaysa diyaarado la sheegay in dowladda Kenya ay ku joojisay Garoonka diyaaradaha magaalada Nairobi oo lagu eedeeyay in ay badeeco sharci-darro ah u sideen dalka Soomaaliya.

Wargeeska Daily Nation ee ka soo baxa magaalada Nairobi ayaa ka soo xigtay guddoomiyaha ururka ganacsatada Qaadka Miroowga,Kimathi Munjuri in 3o tonne oo Qaadka Miraa uu ku xannibanyahay Garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi,kadib markii dowladda Kenya diidday in loo dhoofiyo dhinaca Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Qaadkaan loo waday magaalooyin ku yaalla Soomaaliya oo ay kamid yihiin;Garoowe,Gaalkacyo,Muqdisho,Jowhar Laascaanood iyo Hargeysa,wuxuuna intaas ku daray in ganacsatadu ay halis ugu jiraan in ay lumiyaan malaayiin shilin-ka Kenya ah.

Mas’uuliyiinta Duulista Hawada dalka kenya ayaa khamiistii maanta joojiyey laba diyaradood oo lagu eedeeyay in ay badeecooyin sharci-darro ah u dhoofinayeen dhinaca Soomaaliya.

Agaasimaha guud ee Hay’adda Duulista Hawada Kenya,Gilbert Kibe ayaa sheegay in sidoo kale rukhsaddii laga qaaday labadii shirkadood ee lahaa diyaaradahan oo aan magacooda la shaacin.

Dhinaca kale faahfaahin lagama bixin badeecooyinka sharci-darrada ah ee shirkadahan lagu haysto,balse arrintaan ayaa ku soo beegmatay xilli Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Duulista Hawada ee(ICAO) ay baarayso awoodda dowladda Kenya u leedahay bad-qabka duullimaadyada.

Wixii ka soo kordha kala soco:Puntlandpost.net

The post Faahfaahin: Dowladda Kenya oo joojisay Mirow loo soo waday Garoowe. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this