Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo mar kale codsatay in laga qaado xayiraadda hubka.

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Soomaaliya mar kale codsatay in laga qaado xayiraadda hubka ee saaran tan iyo sannadkii 1992,xilligaasoo uu dalku galay dagaal sokeeye,sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Turkiga ee Anadolu .

Safiirka Soomaaliya ee dalka Ethiopia Cali Nuur Hagi ayaa Anadolu ka soo xigtay in dowladda Soomaaliya ay codsatay in laga qaado xayiraadda hubka ee mudada dheer saaran,waxaana safiirku sheegay in haatan aanay jirin qabaa’il Soomaaliyeed oo is-laynaya,taasoo qiil u siinaysa Maraykanka iyo Qaramada Midoobay in ay cuna-qabateynta hubka ku sii hayaan Soomaaliya.

Danjiraha ayaa sheegay in Soomaaliya ay hadda leedahay dowlad qaran oo ilaalinaysa nidaamka iyo heshiisyada caalamiga ah ee Dunida uga yaalla hubka,sidaasi darteedna aanay jirin sabab loogu sii hayo xayiraadda hubka ee saaran.

Mudane.Hagi ayaa xusay in Al-shabaab ka hub fiicantahay ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya,islamarkaana aan gebi ahaanba la jebin karin ilaa hub casri ah loo helo.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya oo mar kale codsatay in laga qaado xayiraadda hubka. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this