Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada oo heshiis cusub saxiixay.

Recommended Posts

Deeq A.   

Heshiis cusub oo looga dan leeyahay in lagu dhaqan geliyo nidaamyada caddaaladda iyo asluubta ee Soomaaliya ayay ansixiyeen Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamul goboleedyada ka jira dalka.

Heshiiska waxaa ka soo baxay hab-dhismeed ay dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada ay ku taageeri karaan dib u dhiska nidaamka caddaaladda iyo asluubta ee dalka,kuwaas oo ka mid ah hay’adaha muhiimka ah ee burburay xilligii ay socdeen dagaallada sokeeye.

Munaasabadda lagu saxiixay heshiiskan waxaa goob-joog ka ahaa Wasiirka Caddaaladda ee dowladda Federaalka ah,Mudane. Xasan Xuseen Xaaji iyo dhammaan wasiirrada caddaaladda ee maamul goboleedyada,waxaana bixiyay taageerrada farsamo ee lagu sameeyay hab-dhismeedka Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada (UNDP).

“Tani guul ayay u tahay Soomaaliya,” ayuu Wasiir Xasan Xuseen Xaaji ka yiri xafladda, asaga intaas raaciyey“Waa heshiis ku saabsan sida aan u qaabeyn karno nidaamkeenna caddaaladda iyo asluubta.”

Heshiiskan siyaasadeed oo loo arkoo in uu muhiim u yahay geeddi-socodka dhismaha maamullada Soomaaliya iyo hannaanka Federaalka ah, waxaa uu yimid kaddib labo sano oo wada-tashi dhanka farsamada iyo wada-xaajood u dhaxeeya dowladda Federaalka ah iyo maamul goboleedyada.

“Waxaan ka soo baxeynaa colaad loogu guuleysan waayay in lagu xalliyo khilaafka. Waxaan boogaadinayaa dadaalka badan ee wasaaradaha caddaaladda ee dowladda federaalka ah iyo kuwa maamullada si ay heshiiska uga dhigaan mid dhab ah,” ayuu xusay Madaxweynaha HirShabelle Maxamed Cabdi Waare, oo martigeliyay xafladda saxiixa.

Madaxweyne Waare ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in nidaamka cusub ee caddaaladda iyo asluubta ay soo afjari doonaan caddaalad darrada ay bulshada u dhabar adeygayeen muddo ka badan labaatan sano.

Habkan Cusub ee Booliska oo loo dajiyay qaab-dhismeedka mustaqbalka ee adeegyada booliska ayaa waxaa bishii Maarso 2016-kii ku heshiiyay wasiirrada amniga ee dowladda Federaalka ah iyo maamul goboleedyada,Waxaana lagu meel-mariyay Madasha Hoggaanka Qaranka, taageerradanna waxaa lagu xaqiijiyay heshiiskii qaab-dhismeedka amniga qaranka oo la gaaray bishii Abriil, 2017-kii.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada oo heshiis cusub saxiixay. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this