Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka difaaca Puntland ee PSF oo hawlgal ku tegay tuulooyinka karin iyo Yalho ee gobolka Bari+Sawirro.

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka difaaca dowladda Puntland ee(PSF) ayaa maanta hawlgalka ku tegay tuulooyinka Karin iyo Yalho ee gobolka Bari iyo dhulka Buuraleeyda ah ee hoostaga tuulooyinkaasi.

Saraakiisha ciidanka difaaca dowladda Puntland ee(PSF) ayaa kulan amniga la xiriira la yeeshay odayaasha,waxgaradka iyo ciidamada dowladda ee ku sugan tuulooyinka Karin iyo Yalho.

tuulooyinka Karin iyo Yalho oo qiyaastii 45KM Koonfur kaga beegan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari,ayaa waxa saldhigyo ku leh ciidamada difaaca dowladda Puntland oo dagaalka kula jira argagixisada Al-shabaab iyo Daacish ee ku dhuumaaleysta Buuraleeyda Cal-madow iyo Cal-miskaat ee gobolka Bari.

Sawirro

5-ok.jpg?resize=600%2C359 3-ok.jpg?resize=600%2C360 2-OK.jpg?resize=600%2C359 1-OK.jpg?resize=600%2C360
Hawlgal.jpg?resize=600%2C337

PUNTLANDPOST

The post Ciidanka difaaca Puntland ee PSF oo hawlgal ku tegay tuulooyinka karin iyo Yalho ee gobolka Bari+Sawirro. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this