Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso:Wasaaradda Warfaafinta Puntland oo qoraal deg deg ah soo saartay.

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda Warfaafinta Isgaarsiinta Hiddaha iyo Dhaqanka dowladda Puntland ayaa maanta soo saartay qoraal ku socda dhammaan Warbaahinta ka hawlgasha degaannada Puntland iyo Tv-ga dowladda.

Qoraalka oo uu ku saxiixanyahay Wasiir ku xigeenka Warfaafinta,Cabdirasaaq Cumar Ismaaciil(Shiikh Aduunyo),ayaa lagu wargeliyey dhammaan saxaafadda madaxa-bannaan iyo PuntlandTV in ay yimaadaan xarunta dhexe Wasaaradda Warfaafinta Isgaarsiinta Hiddaha iyo Dhaqanka dowladda Puntland,27/1/2018 oo ku beegan maalinta Sabtida.

Qoraalka laguma shaacin arrimaha Saxaafadda loogu yeeray,sidoo kale xiriir aan la sameynay Wasaaradda nooma suurta-gelin in aan faahfaahin dheeri ah ka helno.

Halkaan ka akhriso qoraaalka.

Warsaxaafadeed.jpg?resize=424%2C600

 

The post Akhriso:Wasaaradda Warfaafinta Puntland oo qoraal deg deg ah soo saartay. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this