Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam oo dhagax dhigay Xaafad Cusub oo laga dhisayo Magaalada kismaayo.

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha Xaafad Cusub oo laga hirgalinayo Magaalada Kismaayo.

Xaafadan oo loo bixyay Bilan ayaa ka koobnan doonanta guryo caadi ah oo la dago iyo Suuqyo goobo Waxbarasho iyo Adeegyada kale ee muhiimka u ah deegaanka.
Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in Xaafadan ay qayb ka qaadanayso dib u dhiska Magaalada iyo koboceeda isagoo ugu baaqay qurba joogtu in ay dalka maalgashadaan.
” Xaafadan oo kale Qurba joogta dibada kasoo laabanaysa haka faa’iidaystaan oo haku daydaan dib u dhiska dalku inaga ayuu ina sugayaa” ayuu yiri Madaxweynahu.
Cid walba oo dhismaha Xaafadan ka qayb qaadanaysa ayuu Madaxweynahu u mahad celiyay isagoo hoosta ka xariiqay in aysan jirin wax ka wanaagsan in dalka la maalgashado oo ah hanti raasamaal ah.
JLP747474.jpg JLP3746747.jpg JLP3748488.jpg JLP37474747.jpg JLP37474848.jpg JLP74747474.jpg JLP3747484848.jpg
Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this