Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasaaradda warfaafinta Puntland oo soo saartay qoraal ku socda saxaafada Puntland.

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaradda warfaafinta iyo isgaarsiinta dowladda Puntland ayaa kulan degdeg ah ugu yeertay bahda saxaafada Puntland oo uu ku jiro talefishinka ku hadla afka dowladda Puntland ee Puntladtv.

Kulankaan oo ku taariikheysan 27 bishaan, oo ah maalinta sabtida, ayaa weriyayaasha loogu yeeray inay yimaadaan xarunta dhexe ee wasaaradda warfaafinta ee kutaala magaalada Garowe, balse lama sheegin ujeedada u yeeritaan.

Warar uu helay warsidaha Puntlandi waxay sheegayaan in wasaaradda warfaafintu ay qabandoonto shir jaraa’id oo kaga hadlidoonto arrimaha gobolka Sool oo dowladdu ka aamusnayd waayahaan dambe tan iyo markii madaxweyne Gaas uu dhawaan ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah maamulka Hargeysa ee kusoo duullay dhulka Puntland.

Waxaa la filayaa in wasiirka warfaafinta warfaafinta uu warbahinta u shaaciyo tilaabooyin iyo go’aano kasoo baxay shirar albaabada ulaabnaayeen oo ay gollaha wasiiradda iyo saraakiisha ciidanku ku yeeshaan xarunta madaxtooyada Puntland.

Halkaan ka akhriso nuqulka qoraalkaan oo lasoo gaarsiiyay warsidaha Puntlandi.

 

Wargelin-Deg-Deg-ah.jpg

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this