Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabab oo soo bandhigtay magacyada Saraakiil ay sheegtay inay ku dishay qarax ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xarakada AL-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda Qarax saaka ka dhacay Degamada Hodon ee Magaalada Muqdisho,kaas oo ka dhacay inta u dhaxeysa Isbitaalka Digfeer iyo Isgoyska Tarabuunka.

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay in Saddex Sarkaal oo ka tirsan Milatariga Soomaaliya ku waxyeelloobeen qaraxaas oo uu mid ka mid ah dhintay halka labada kalena ay ku dhaawacmeen.

Al-shabaab ayaa sheegtay in korneyl lagu magacaabo C/llahi Yar,halka Korneyl Faysal iyo Korneyl  C/Risaaq ay ku dhaawacmeen qaraxaas oo ay mas’uuliyadiisa sheegatay.

Majiro ila ka madaxbanaan AL-shabaab oo xaqiijinaya in Saraakiisha ay sheegeen in ay weerarkaas ku dhinteen sax tahay iyo in kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Al-shabab oo soo bandhigtay magacyada Saraakiil ay sheegtay inay ku dishay qarax ka dhacay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this