Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Magacaabay Taliyeyaasha Ciidanka Booliska Puntland.

Recommended Posts

Deeq A.   

Digreeto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo lagu magacaabay Xeer Madaxweyne Lr-04 January 2018 Taliyaha iyo kuxigeenada koowaad iyo labaad ee Ciidanka Booliska Dawladda Puntland.

Madaxweynaha dawladda Puntland.
Markuu arkay: Datuurka dawladda Puntland.
Markuu tixgeliyey: Aqoontooda iyo khibradooda shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa S/GUUTO Cabdulaahi Shire[Dool] loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Boosliska Puntland.

2. Waxaa G/Sare Bile Faarax Cali loo magcaabay Taliye ku xigeenka Koowaad ee Ciidanka Booliska Puntland.

3. Waxaa G/Sare Cusmaan Xassan Cuuke loo magcaabay Taliye ku xigeenka Labaad ee Ciidanka Booliska Puntland.
Xeerkani wuuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxwaynuhu saxiixo wuuna saxiixay.

=DHAMMAAD=
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

The post Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Magacaabay Taliyeyaasha Ciidanka Booliska Puntland. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this