Sign in to follow this  
Deeq A.

Shil Dhimasho Iyo Dhaawac Geystay Oo Ka Dhacay Gobalka Sool

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya shil gaari oo khasaare nafeed geystay oo sakay ka dhacay deegaano hoos yimaada gobalka sool.

Shilkan ayaa ka dhacay tuulada samakaab ee gobalka sool, kaasi oo sababay dhimashada ila iyo sadax ruux oo laba kamid ah ay ahaayeen isku qoys ama hal qoys.

Gaarigan shilka galaya  ayaa la sheegay inuu kayimid magaalada gaalkacyo ee gobolka kaasi oo shil ku galay tuulada samakaab ee gobalka sool.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta gobalka sool u sheegay inuu shilkaasi geystay qasaare dhimasho iyo mid dhaawac intaba, dadkii ku dhaawacmayna loola cararay isbitaalka weyn ee Laascaanood.

11.jpg?resize=768%2C576 22.jpg?resize=768%2C576 33-768x576.jpg?resize=768%2C576

PUNTLAND POST

The post Shil Dhimasho Iyo Dhaawac Geystay Oo Ka Dhacay Gobalka Sool appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this