Sign in to follow this  
Deeq A.

Keating oo sheegay in Puntland iyo Somaliland dagaal qarka u saaran yihiin.

Recommended Posts

Deeq A.   

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya,Micheal Keating oo hadal u jeediyey Golaha Amniga ayaa sheegay in Puntland iyo Somaliland ay qarka u saaran yihiin dagaal.

Mr.Keating ayaa walwal ka muujiyey ciidamada labada maamul ee isku horfadhiya degaanno ka tirsan gobolka Sool,halkaasoo uu sheegay in maalmaha soo socda dagaal ka qarxi karo,kadib markii lagu fashilmay dadaalkii xal nabadeed oo lagu  dhammeeyo colaadda.

Danjire.Keating oo arrimaha Xiisadda Tukaraq u tegay magaalada Hargeysa ayaa ku baaqay in si deg deg ah lagu xalliyo khilaafka”Haddii uu khilaaf dhab ah jiro, waa in si deg deg ah loogu xalliyo wada hadal,Balse in la adeegsado awood ciidan iyo dagaal ma ahan habka ugu habboon ee lagu xalliyo dhibaatooyinkan,”ayuu xilligaasi yiri Micheal Keating .

Laakiin Mr.Micheal ayaa haatan u sheegay Golaha Amniga ee Qaramada Midoobey in Somaliland diidday in ay ciidankeeda kala baxdo degaanka ay qabsadeen ee Tukaraq,si loo helo jawi wada-xaajood lagu bilaabi karo,isagoo u muuqday in uu quus ka taaganyahay xal siyaasadeed oo lagu dhammeeyo murankaasi.

PUNTLAND POST

The post Keating oo sheegay in Puntland iyo Somaliland dagaal qarka u saaran yihiin. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this