Sign in to follow this  
Deeq A.

Gen. Siciid Dheere,” Ciidanka difaacu wuxuu heegan buuxa ugu jiraa xoreynta dhulkooda.

Recommended Posts

Deeq A.   

Siciid-Dheere-ok.jpgGarowe (Puntlandi) Taliyaha ciidanka difaaca Puntland, Gen, Siciid Maxamed Xirsi (Siciid dheere), ayaa sheegay ciidamada difaaca Puntland inay heegan buuxa ugu jiraan sidii ay dhulkooda uga xorayn lahaayeen maleyshiyada maamulka Hargeysa ee duullaanka kusoo qaaday Tukaraq.

Taliye Siciid Dheere oo ah sarkaalka ugu sareeya ee hogaaminaya ciidanka difaaca Puntland, ayaa haatan ku sugan jiida hore ee Tukaraq, waxaana uu sheegay inuu meel wanaagsan marayo qorshaha dib u xoraynta dhulka maqan. Wuxuu intaas ku daray inay dowladdu qorshe cad ka yeelatay difaaca dalka.

General Siciid Dheere waxaa uu uga mahad celiyay shacabka reer Puntland sida ay diyaar ugu yihiin inay ka qeyb qaataan difaaca dhulkooda, wuxuuna u sheegay ciidamada difaaca Puntland inaysan dib usoo jeesandoonin illaa ay ka xaqiijiyaan ama soo sugaan xuduuda Puntlan meesha ugu dambeysa.

Puntlandi.com

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this