Sign in to follow this  
Deeq A.

Hawlgal Ciidamada dowlaalo ka sameeyey gobolka hiiraan kadib saldhigyo ciidan oo weeraray

Recommended Posts

Deeq A.   

Buula burde-(Caasimadda Online)-Ciidamo katirsan Dowladda soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo howgalo ka Sameeyey Degmada Buule Burde ee Gobolka Hiiraan howlgalkaan ayaa daba socday kadib dagaal kooban oo xalay ka dhacay Degmada Buule burde ee Gobolka Hiiraan.

Ciidamada baaritaanka sameeyay ayaa meel isugu geeyay dhaliyarada xaafada ay kasoo qabteen inta ay howlgalka ay kawadeen una baarayay halhal.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM ayaa duleedka Magaalada iyagana  ka bilaabay howlgallo ay ku baadi goobayaan dhalinyaro la sheegay in ay katirsan yihiin Al-Shabaab.

Howlgalkan waxaa sabab u ahaa kaddib markii xalay la weeraray Saldhigyo Ciidan oo ku yaalla Magaalada kuwas oo laga maqlayay israsaaseynta ka dhacaysay Magaalada Buulo Barte.

Buule burde waxa ay go’doon ugu jirtaa kooxda Al-Shabaab waxaana inta badan habeenadii dhaafay ka dhaca  weeraro lagu qaadayo Saldhigyada Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jabuuti ee ka tirsan Howlgalka Midowga Afrika .

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Hawlgal Ciidamada dowlaalo ka sameeyey gobolka hiiraan kadib saldhigyo ciidan oo weeraray appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this