Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo:-Siyaasi muddo dheer Mucaarad ku ahaa Puntland oo Maanta si buuxda u taageeray Xoraynta Sool.

Recommended Posts

Deeq A.   

Siyaasi muddo dheer Mucaarad ku ahaa dowladda Puntland ayaa maanta shaaciyay in uu si buuxda u taageersanyahay qorshaha xukuumadda madaxweyne Gaas ee ku aaddan soo celinta dhammaan degaannada maqan ee gobolka Sool.

Siyaasigan oo lagu magacaabo Xaaji.Maxammed Xaaji. Aadan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe isagoo uu dhinac taaganyahay guddoomiyaha gobolka Nugaal Mudane.Cumar Cabdullaahi Maxammed(Fara-weyne) ayaa sheegay in haatan guud ahaan shacabka Puntland ka midaysanyihiin taageerada xukuumadda Gaas iyo dagaalka lagu soo celinayo degaannada maqan ee gobolka Sool.

Xaaji.Maxammed ayaa sidoo kale sheegay in aanay Somaliland qiil u noqon doonin in safarkii Farmaajo ku dhaliyey weerarkii Tukaraq lagu qabsaday,maadaama buu yiri”aan Farmaajo ugu horrayn madaxweyne Federaal oo Puntland soo booqda”.

Dhinaca kale siyaasigan ayaa eedayn kulul u jeediyay Cali Khaliif Galaydh oo uuku tilmaamay nin la dayriyey oo wixii arkaaba ka carareen,balse Somaliland oo aan weli baran ku riixaya burbur iyo dagaal uusan ka saari doonin.

Halkaan ka daawo shirka jaraa’id ee siyaasiga.

PUNTLAND POST

The post Daawo:-Siyaasi muddo dheer Mucaarad ku ahaa Puntland oo Maanta si buuxda u taageeray Xoraynta Sool. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this