Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka amniga gobolka Mudug oo gacanta kusoo dhigay dadkii ka dambeeyay dilka taliyihii booliiska Galgodob

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha gobolka Mudug Xasan Maxamed Khaliif ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay gacan ku dhiiglayaashii ka dambeeyay taliyihii Booliiska Galdogob gaashaanle Cabdi Xamiid Warsame, kaasoo xalay lagu dilay Bursaalax.

Dilka taliyaha ayuu gudoomiyuhu sheegay inay ka dambeeyeen dhowr askari oo katirsanaa ciidanka booliiska, kuwaas oo lagu guulaystay in dhammaantood gacanta lagusoo dhigay.

Waxaa uu guddoomiyuhu sheegay inay wadaan baaritaan iyo howlgallo islamarkaana aysan ka hordhacayn sababta taliyaha loo dilay, isagoo sheegay in sharciga la horkeenidoono dambiilayaasha.

Wararku waxaa kale oo ay sheegayaan inuu dhaawac soo gaaray saddex askari oo katirsanaa ilaalada taliyaha.

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this