Sign in to follow this  
Deeq A.

Deg Deg-Xarunta Hey’adda Save the Children oo la weeraray iyo kooxo hubeysan oo gudaha u  galay.

Recommended Posts

Deeq A.   

Afganistaan-(Casimadda Online)-waxaa lasoo sheegayaa in  11-ruux ay ku dhaawacmeen weeraro kooxo hubeysan ay ku qaadeeen xafiiska Hey’adda samofalka ah ee Save the Children oo fadhigeedu ahaa dalka Afganistaan.

Qarax weyn ayaa la la eegtay  afka hore ee albaabka xarunta hey’addaasi oo ku taalla magaalada Jalalabaad waxaana kooxo hubeysan ay galeen dhismaha  sida ay ku warameen mas’uuliiinta halkaasi ku sugnayd .

Sidoo kale Waxaa la Sheegay in  la arkayey caruur badan oo ka firxanaya dugsi u dhow xaruntaasi,kadib rasaas xoogan oo la maqlay,waxaana magaaladaasi ay bartilmaameed u tahay kooxda Dhaalibaan.

Weerarka lagu qaaday xarunta Hey’adda Save the Children ayaa yimid maalmo kadib markii kooxda Taalibaan ay weerartay hotel lagu magacaabo Intercontinental oo ka mid ah kuwa raaxada ee ku yaalla magaalada Kabuul,halkaasi oo ay ku dileen 22-ruux oo badankoodu ahaa ajnabi.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Deg Deg-Xarunta Hey’adda Save the Children oo la weeraray iyo kooxo hubeysan oo gudaha u  galay. appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this