Nabad_dadaye Posted February 7, 2011 xusni mubaarak iyo cidiisa oo diyaarad saaran xilli mudaaharaadka uu socday ayu madaxweynaha wuxuu yiri hadaan 100 pound tuuro waxaa laga yaabaa in cid masar ah oo faqri ilaah ku anfaco ,xaaskiisa ayaa tiri war 2 konton ka dhig si 2 cid u anfacdo ,wiilkiisa ayaa yiri bal afar u qeybi (25) si afar cid u anfacdo , pilot kii ayaa intuu gadaal soo fiiriyay yiri war madaxweyne adiga qudhaada is tuur si 80 million oo masaar ah eey u nastaas Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted April 15, 2011 Alaabtaan soo socota qosol ma ahan laakiin waxaa Af Soomaliga 2011 lagu hadlo. 1. Igu lambary – waa lambarkaaga ii qor 2. Waa baska dambe – waa carmal 3. Waan ka lushaa – waan jecelahay 4. Cid kale ay urarantahay – mid kale ayey la wadaa 5. Gaarigayga maahan – noocan kama helo 6. Igu liq- warka isii 7. Dawami – dhib 8. Wa igu jiq – mobelkaa iga madhan 9. Igu looxo – lacag isii 10. Waan tufay- waan nacay 11. Waa igu jug – meel bay iiga taalaa 12. Luuq buu ku jiraa – waa xaas 13. Igu ifi caawa – aynu kulano caawa 14 Wuu dhalaalayaa – dibaduu ka yimid 15. Biyaha dahabka iga daa – beenta iga daa 16. Way tigtigantahay – waa tahriib 17. Jeebkiisaa qoslaya – waa oday 18. Lug bay aastay – way guursatay 19. Tacsibaa utaal – waa lala guursaday 20. Laydhka iga daa iyo qaar kaloo badan oo aan halkan lagu soo koobi karin. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Som@li Posted April 15, 2011 ^Wa cajib walaahi, luuqadu waa is kortaa...Qaar badan waa fahmey, qaarna hada iigu horeeysa Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted April 21, 2011 Who's bad!!!!!! lol... dhib badanaa Somalida. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Mustafe Posted July 25, 2011 Waxa la yidhi mid geeljire ah oo aan weligii naag arkin baa maalin maalmaha ka mid ah gabadh qurux badan oo banaanka tuulada maraysa arkay markaasuu is yidhi shukaanso. Gabadhii baa diiday, markaasuu intuu xanaaqay kufsaday. Gabdhiibaa reerkooda u dacwootay, reerkiina odayaashii tuulada ayay arintii soo hordhigeen. Waxaa go'aan lagu gaadhay in nimankii tuulada iyo baadiyeheeda oo dhan lasoo uruuriyo si gabadha kii faraxumeeyey u sheegto kuu ahaa. Sidiibaa la yeelay nimankii oo dhana safbaa la geliyey. Xariifkii dembiilaha ahaa ayaa arkay sheekhii tuulada oo safka dhinaca ugu shisheeya ka taagan markaasuu dhinaca kale ka sii istaagey. Gabdhiibaa lagu yidhi bal soo saar kii waxan sameeyey si loo ciqaabo. Gabadhii dhinacii dembiilaha iyo wadaadka mahee dhinacii kalay kasoo bilowday. Maya kan maah..maya kanna maaha, say u lahaydbay soo gaadhay kii sheekha ugu dhowaa oo tidhi kana maaha. Halkaa markay marayso oo dembiilihii iyo sheekhii keliya hadheen ayuu macalliink is hayn kari waayey, markaasuu intuu soo boodey yidhi...Alla,.. naa miyaad waalatay, oo hadda ma aniga iyo wadaadkaad u danleedahay..lool. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Aaliyyah Posted July 25, 2011 ^LOOOL@na ma angia iyo wadadka u dan leedahay!...wax waalan! Somalina, loool ur list is soo funny... tacsiba u taal macnaheeda I couldn't have guessed walahi lol@ wa lala gursaday! salaam Quote Share this post Link to post Share on other sites
Farmaraa Posted July 25, 2011 Af- Soomaaliga cusub !! Igu qabo = i sii I soo gali = i soo wac Gas ii sii = iga ganbiso , iga war wareeg Ey aa cunay = waa been , waa sheeko aan jirin. Film aa ii dhagan= shukaansi ayaan aadayaa , date ayaan leeyahay. Hebel bac baa ku xidhan = buufis buu qabaa.. Hebel waa naafo = qurbaha ayaa ka yimi/ka timi Dab ma laha = ma firficoona , waa slow Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted September 23, 2011 For Showqi. Quote Share this post Link to post Share on other sites
rudy-Diiriye Posted October 7, 2011 18. Lug bay aastay – way guursatay lol... r u sure about this one! it sounds like something else. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Showqi Posted January 20, 2012 Loooooooooool Somalina, walaahi qosol daraadiis waa fuuray. Shaaciradii aduunka, tan intee ka keentay...:D Kaaga darane waxa meesha ku qoran dhan waa run. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Showqi Posted January 20, 2012 Somalina bax dhuumo, baxar aa is galisay dad badan aa ku raadinooyo.. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Bluelicious Posted January 20, 2012 Looooooooool what a hilarious thread. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Showqi Posted January 20, 2012 Blue, Thread-kan dadka waalan ayuun baa soo gala. Can't you see: Wyre, Fisher Man, Rudy iyo Mustafe kuligood waa Qac Quote Share this post Link to post Share on other sites