Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Sisi oo sabab yaab leh xabsi u dhigay madaxii hore ee ciidamada militiriga Masar

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha dalka Masar Cabdifitaax Al-Sisi ayaa amar ku bixiyay in Xabsi la dhigo madaxii hore ee ciidamada militiriga Masar Sami Anan.

Al- Sisi ayaa amarka xiritaanka madaxii hore ee ciidamada militiriga Sami Anan duldhigay Taliyaha iminka haya maamulka ciidamada Militeriga iyo Madaxa ciidamada amaanka ee Madaxtooyada Masar.

Dhinacyadani la faray xariga Sami Anan oo wata gaadiidka Gaashaman ayaa howlgal ka fuliyay Hooyga Madaxii hore, iyagoo halkaa kala soo baxay isla markaana dhigay Xabsi.

Al- Sisi ayaa amarka xariga bixiyay kadib markii Sami Anan uu shaaciyay inuu kamid yahay musharaxiinta dooneysa inay u tartanto xilka Madaxweyninimo ee Masar.

Al- Sisi oo kaashanaaya Guddiga sare ee ciidamada qalabka sida ee Masaarida ayaa Sami Anan ku eedeeyay in uu geystay xadgudubyo dhanka sharciga ciidanka.

Sami Anan, waxaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu ka been abuuray dukumiintiyada rasmiga ah inuu soo dhamaystiray adeeggiisa milatari mana uusan ka helin ogolaanshaha ciidanka militiri si uu u tartamo.

69-sano jirkaan lagu magacaabo Sami Anan, ayaa ku dhawaaqay inuu doonayo inuu u tartamo doorashada madaxtinimada dalka Masar, laba saacadood ka dib markii madaxweynaha hadda xilka haya Abdel Fattah al-Sisi uu ku dhawaaqay qorshihiisa inuu mar labaad u tartamayo madaxweyninimada.

Geesta kale, Al-Siisi ayaa baqdin ka qaba la tartamida Sami Anan oo isagu shacbiyad ku dhex leh Masar, waana sababta keentay in Sami Anan la xiro si uu uga haro doorashada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Al-Sisi oo sabab yaab leh xabsi u dhigay madaxii hore ee ciidamada militiriga Masar appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this