Sign in to follow this  
Deeq A.

Arrin cusub: Kenya oo arrin aad looga naxo ka bilowday deegaanada Gobolka Jubbada Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya Gobolka Jubbada Hoose, ayaa sheegaya in ciidamada Kenya ee halkaa ku sugan inay bilaabeen Afduubka dadka deegaanka.

Ciidamadan Kenya ayaa la sheegay in dadka ay ka afduubtaan Goobaha lagu shaaho, waddooyinka, halka qaarna ay kala baxaan guryahay.

Nabadoon C/laahi Xuseen Axmed ‘’Waamo’’, oo ka mid ah Odayaasha Gobolka Jubbada Hoose, ayaa sheegay in dadka deegaanka ay lasoo daristay cabsi dhanka Kenyaanka Gobolka jooga ah.

Waamo, waxa uu sheegay in afduubka ugu badan uu yahay mid ka socda deegaanada dhaca xuduuda inta u dhaxeyso deegaanada Hoosingow iyo Dhoobley.

Waxa uu tilmaamay in nolol iyo geeri ay ku la’ yihiin dhalinyaro iyo Odayaal badan oo uu sheegay inay qafaasheen ciidamada Kenya.

Waamo, waxa uu tilmaamay inay jira dad ay qab qabteen ciidamada oo diyaarado ay ugu qaaden dalka Kenya, kuwaa oo aan xiriir la laheyn Alshabaab, isla markaana ah shacab.

Waamo oo arrintaan ka hadlaayay ayaa yiri ‘’Ciidamada Kenyaanku waxay dhaafayaan ma arag yar iyo weyn waxa ay ku qaadanayaan diyaarad’’

Sidoo kale, Nabadoon Waamo, ayaa Ciidanka Kenya ku eedeeyay inay rayidka u dhibaateynayaan, iyagoo ku eedeynaya inay ka tirsan yihiin maleeshiyada Al Shabaab.

Dhinaca kale, Dowlada Federaalka iyo Maamulka Axmed Madoobe ayaan weli ka hadal falkaan foosha xun oo ay ku kacayaan ciidamada Kenya.

Caasimada Online

Xafiiska Kismaayo

Caasimada@live.com

The post Arrin cusub: Kenya oo arrin aad looga naxo ka bilowday deegaanada Gobolka Jubbada Hoose appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this