Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaakim Maraykan ah oo 22 sano ku xukumay wiil Soomaaliyeed.

Recommended Posts

Deeq A.   

Wiil Soomaali ah oo haysta dhalashada Maraykanka ayaa xabsi lagu xukumay Talaadadii,kadib markii lagu eedeeyey in uu taba-barsiinayey argagixiso debadda ah iyo in uu qorshaynayey weerarro Maraykanka lagu qaado.

Xaakim Maraykan ah oo lagu magaabo Michael H. Watson,ayaa 22 sano xabsi ah ku xukumay Cabdiraxmaan Sheekh Maxammed oo lagu eedeeyay in uu qorshaynayey weerarro argagixiso oo lagu qaado geyiga Maraykanka,sida ku xusan Warbixin ay daabacday Waaxda Garsoorka Maraykanka.

Waaxda Garsoorka sheegtay in Cabdiraxmaan taba-bar la soo qaatay malayshiyaadka xagjiriinta al- Nusrah Front ee dalka Syria.

Caddeyn ay heshay Hay’dda Sirdoonka FBI ayaa sidoo kale muujinaysa in Cabdiraxmaan uu qorshaynayey dil lagu khaarajinayo saraakiil militari oo Maraykan ah iyo qaar kamid ah shaqaalaha dowladda.

Xigasho:http://dailycaller.com

PUNTLAND POST

The post Xaakim Maraykan ah oo 22 sano ku xukumay wiil Soomaaliyeed. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this