Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisulwasaare kheyre oo Maanta khudbad ka jeedin doona Shirka Dhaqaalaha Aduunka

Recommended Posts

Deeq A.   

Hassan-1-640x634.png?resize=600%2C594

Ra’iisul wasaaraha Xakuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane. Xassan Cali kheyre ayaa lagu wadaa in Maanta oo Arbaca ah uu khudbad ka jeediyo shirka Dhaqaalaha Aduunka,sida ay qortay Wakaaladda Wararka SONNA.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Swezerland Faadumo C/llaahi Insaani ayaa Wakaaladdu ka soo xigatay in Maanta R/wasaaraha XFS Mudane Xassan Cali Kheyre khudbad ka hor jeedin doono  madaxda ka qeyb galeysa Shirka dhaqaalaha Aduunka oo sannadkan lagu qabtay Magaalada Davos ee Dalka Swezerland.

Faadumo C/llaahi Insaani ayaa sheegtay in Mudane. Kheyre uu khudbaddiisa kaga hadli doono baahiyada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya.

PUNTLAND POST

 

 

The post Ra’iisulwasaare kheyre oo Maanta khudbad ka jeedin doona Shirka Dhaqaalaha Aduunka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this