Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaaf” Waa la Xaliyay Khilaafkii noo dhaxeeyay Anaga iyo Dowlada”

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha maamulka galmudug Axmed Ducaale Geelle (xaaf) ayaa sheegay in la xaliyay khilaafkii u dhaxeeyay Dowladda Federaalka Soomaliya  iyo Galmudug ee ka dhashay khilaafkii Wadamada Khaliijka Carabta.

Xaaf ayaa sheegay in Emirate-ka Carabta uu u tagay In Dowladda dalkaas ay tababaro siiyo Ciidamadda Dowladd Goboleedka Galmudug si ay ula wareegaan amniga deegaanadda Maamulkaas.

“Khaliijka sidii aan u aaday iyo sidii loo fahmay baa kala jaad ahaa. Anigu waxaan u aaday nimankaa xooggaa anaga gobolkayaga waxba may tarin, sanadihii hore. Gobolada kale wixii ay tareen oo kale inay na taraan oo ciidamada noogu dhisaan xarumo iyo iskuulo inay nooga dhisaan degmooyinka.

Shaqo badan bay ka qabteaan gobolada kale, gaadiid bay siiyaan. Anagu marka waan qatanayn.”ayuu yiri Xaaf.

Madaxweynaha Galmudug, ayaa dhawaan Sheegay  in Galmudug ay taageersan tahay isbahaysiga Sacuudiga.

Dowladda Somaliya, ayaa xilligaa sheegtay inay dhexdhexaad ka tahay khilaafka u dhaxeeya dhinacyadaasi, iyadoona ka hortimid inay xiriirka u jarto Dowladda Qatar.

http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/01/Cod-Xaaf-1-1.mp3

PUNTLAND POST

The post Xaaf” Waa la Xaliyay Khilaafkii noo dhaxeeyay Anaga iyo Dowlada” appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this