Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasaaradda arrimaha dibada Soomaaliya oo cambaaraysay carqaladaynta amniga ee Xuutiyiintu ku hayaan marin badeedka Badda Cas

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka arimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo ku guda jira Socdaalkiisii ugu horeeyay uu ku tago dalka dibaddiisa ayaa Cambaareeyay weerarka Sawaariikhda Balaastikada ee Maleeshiyaadka Xuutiyiinta yeman ay ku hayaan Xaramaynka Barakaysan, wuxuuna si adag wasiirku hoosta uga xariiqay in Soomaaliya ay dhinac taagan tahay xaqa Sucuudigu u leeyahay inuu kaga difaaco falkaasi Cadawnimada leh dhulkiisa iyo shacbigiisa weerarka Xuutiyiinta.

Dhinaca kale wasiirka arimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa la waydiiyay waxa ay dowladda Soomaaliya uga dhigan tahay wareejinta lagu wareejiyay Soomaaliya Xafiiskii ergada joogtada ah ee Soomaaliyeed ee xarunta ururka Iskaashiga Islaamka ee jiddah wuxuuna xusay in arintani tahay arin wayn oo aad u qiimo badan,ayna calaamad u tahay in dowladda soomaaliya ay dalka ka gudbinayso Jahawareerkii iyo burburkii uu ku jiray sanado badan.

Md Axmed Ciise Cawad wuxuu intaasi raaciyay in soomaaliya ay si buuxda u barbar taagan tahay wadamada ku teedsan badda Cas oo Boqortooyada Sucuudiga hormoodka ka tahay sidii looga ilaalin lahaa amniga iyo badqabka marin badeedkan muhiimka ah handadaad kasta oo lagu carqaladeynayo xasilloonidiisa.

Wasiirku waxa kale oo uu la kulmay Xoghayaha guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka Dr. Yousef bin Ahmad Al-Othaimeen iyo Guddoomiyaha Bankiga Horumarinta Islaamka Mr. Bandar Hajjar.

Kulamadaasi oo Wasiir Cawad kala hadlay mas’uuliyiintaasi danaha Soomaaliya iyo dhinacyadaasi ay wadaagaan ayaa muujiyay sida dalkiisu ugu diyaar yahay maalgeshi kadib hanaqaadkiisa siyaasadeed iyo midda ammaan.

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this