Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam oo Xarunta Madaxtooyada kula kulmay Gudoomiyayaasha Degmooyinka Jubbaland.

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Xarunta Madaxtooyada marti qaad ugu sameeyay Gudoomiyayaasha Degmooyinka Jubbaland iyo xubno maamul oo maalmahan Kismaayo u joogay Barnaamijka Hormarinta Degmoyinka oo ay fulinayso Wasaarada Arimaha Gudaha.

Wasiirka Arimaha Gudaha Mudane Maxamed Warsame Darwiish ayaa sheegay in Degmooyinka xorta ah ay ka bilaabayaan dhawaan shaqooyin la xiriira hormarinta Bulshada sida Caafimaadka Waxbarashada biyaha iyo jidadaka iyadoo lala kaashanayo maamulada Degmooyinka iyo Bulshada.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in qorshaha xormarinta Magaalooyinka uu saldhig u yahay hanan furan oo loo wajahayo adeegyada Bulshada isla markana dhinacyo badan laga eegayo.

Waxaa uu hoosta ka xariiqay in kaabayaasha dhaqaalaha la kobcinayo iyadoo la hirgalinayo qorshaha kobcinta dhaqaalaha oo Wasaarada Maaliyadu ay garwadeen ka tahay.

Madaxweynahu wuxuu xusay in amaanka deeganada xorta ah oo wanaagsan lagaga faa”iidaysan doono in la hormariyo Bulshada.

Isagoo ka hadlayay hananka hirgalinta golayaasha deegaanka ayuu Madaxweynahu sheegay in ay meel wanaagsan marayso dardar galinta hawshan oo Wasaarada Arimaha gudahu ay gacanta ku hayso.

Deegaanada Buurdhuubo iyo Dhoobley ayuu Madaxweynahu xusay in golayaasha deegaanka ay xubno ku yeelan doonan wixii farsamo ahaan dhimana la dhamaystirayo.

JLP48488484.jpg

JLP3474784.jpg JLP48488484.jpg JLP37477474.jpg JLP7374374.jpg 26731493_1277746549022994_64146090932916

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this