Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa ka socda xerada 54-aad ee magaalada Garowe?

Recommended Posts

Deeq A.   

Xerada ciidanka Daraawiishta Puntland ee 54-aaad ee magaalada Garowe ayaa maanta laga bilaabay diiwaan galinta iyo mushaarsiinta ciidankii dowladda Puntland ay ku wareejisay dowladda federalka Soomaaliya.

Guddi ka socda dowladda federalka Soomaaliy ayaa howshaan ku bilaabay 300 askari oo ciidankaan katirsan, halka ciidanka inta kalena loogu tagidoono gobolada kale ee Puntland.

Mushaarka ciidankaan lasiinayo ayaa ah 100 dollar halkii askari, iyadoo loosoo marinayo Bankiga Amal.

Sarkaal ciidanka katirsan ayaa Puntlandi u sheegay in qorshahaani uu qeyb ka ahaa heshiiskii dowladda Puntland iyo dowladda federalku wada galeen ee ku aadanaa in ciidamadaan ay kamid noqdaan ciidanka xoogga dalka.

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this