Sign in to follow this  
Deeq A.

SAWIRRO:-Madaxweyne Farmaajo oo dhagax dhigay Dakada Magaalo Xebeedka Hobyo.

Recommended Posts

Deeq A.   

Hobyo-(Caasomadda Online)-Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray degmada Hobyo ee gobolka Mudug, halkaasi oo si diiran loogu soo dhoweeyay.

madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Galmudug  ayaa si wadajir ah u dhagax dhigay Dekedda Magaalo Xeebeedka Hobyo ee gobolka Mudug.

Maamulka Galmudug ayaa horay u sheegay in Dekeddaan ay tahay mid muhiim u ah ilahooda Dhaqaallaha, isla markaana ay doonayaa in lagu dayac tir lagu sameeyo, waxayna intaas ay ku dareen in ay dardargelin doonaan Dhismaha Dekedda Hobyo.

Madaxweynaha ayaa waxaa uu sidoo kale maanta soo dhagax dhigay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Cadaado isaga oo Odayaasha dhaqanka Cadaado ku qanciyay in ay taageeraan heshiiskii Galmudug iyo Ahlu Sunna ay horay u diideen iyaga oo ku beddelanaya in Magaalada Cadaado ay noqoto xarunta Baarlamaanka Maamulka Galmudug.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale meel fagaare ah kula hadlaya shacabka Hobyo, iyadoo lagu wado in madaxweyne Farmaajo uu soo gabagabeeyo safarkii uu ku marayey deegaannada Puntland iyo Galmudug.

1-31.jpg?resize=696%2C522&ssl=1 3-21.jpg?resize=696%2C522&ssl=1 26991895_2005398499716682_39817943676832 26991895_2005398499716682_39817943676832 Dhagax-dhig-620x330.jpg?resize=695%2C370

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post SAWIRRO:-Madaxweyne Farmaajo oo dhagax dhigay Dakada Magaalo Xebeedka Hobyo. appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this