Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxa Al-shabab oo sheegay in ay AMISOM gaadiid uga gubeen shabeellaha hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Afgooye-(Caasimada Online)-Kooxda Al-shbaab sheegtay in ay qasaaro xoogan gaarsiyeen kolonyo ciidamada nabad ilaalinta ujooga soomaaliya ee AMISOM kuwaas oo marayay waddada u dhaxeysa Shalanbood iyo Ceelwareegow ee Gobolka Shabeellaha hoose.

wararku waxa aysheegayaan Ciidamada AMISOM oo ka baxay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose kuna siijeeday magaalada Marka in ay jidka u galeen kooxo hubaysan oo katirsan Al-shabaab  halkaas oo uu dagaal ku dhexmaray.

Al-shabaab waxaa ay sheegeen in labo ka mid ah Gaadiidka AMISOM oo uu midi Booyad yahay ay gubeen halka kan kalena uu yahay nooca Ciidamada qaada ee Towga loo yaqaan.

marka laga sootago sheegasha Al-shabaab Majiraan ilo ka madaxbanaan oo xaqiijinaya weerarka ka dhacay Wadada xiriirisa Shalambood iyo ceel Wareegoow ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Intabada ciidamada AMISOM ee nabad ilaalinta ujooga ayaa lakulma weeraro gaadmo ah oo ay kalakulmayaan kooxda Al shabaab ee kadagaalanta wadanka soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Kooxa Al-shabab oo sheegay in ay AMISOM gaadiid uga gubeen shabeellaha hoose appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this